|
|||||
WAJAALE NEWS
Milicsiga Heshiiskii Sadex-Geesoodka Ahaa Ee Dubai ku Dhex-Maray Somaliland,Itoobiya Iyo Dp World.
March 1, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)- 1-dii March, 2018-kii ayey ahayd markii Magaalada Dubai ee dalka isu-taga Imaaraadka carabta uu ka dhacay Heshiis taarikhiya oo Sadex-geesood ah, ay ku kala saxeexdeen Xukuumada Somaliland , dawlada Itoobiya iyo Shirkada Dp World, mashruuc weyn oo lagu maalgelinayo Dekeda Berbera iyo Wadada Berbera Corridor. Heshiiskaas sadex-geesoodka ahaa, ayaa waxa uu hada u muuqdaa mid guulaysanaya, iyadoo dhismaha Dekeda cusub ee Berbera la Filayo inay dhamaado dabayaaqada sanaadkan 2020-ka, halka wadada Berbera Corridor-na, sidoo kale iyana la Filayo in sanaadkan 2020, ay dhamaato. Heshiiska sadex-geesoodka ahaa waxa dhinaca Somaliland u saxeexay Mareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, halka dhinaca dawlada Itoobiya na uu saxeexay Wasiirka Maaliyada Axmed Shide, waxa kaloo dhinaca Imaaraadka iyo Dp World World saxeexay Suldan Gudoomiyaha Shirkada Dp World. Mashrucan ayaa ah kii ugu weynaa ee maalgelin ah ee lagu sameeyo Somaliland, isaggoo ku dhow gabogabo, alla ha inaggu Simo guulaysigiisa, waayo waa tallaabooyin waxtar u leh Bulshada reer Somaliland.
Related posts:Shacabka Magaalada Wajaale Oo Ka Dareen Celiyay Waddo Halbowle Ah Oo Maamulka Degmada Hirgalinayaan! DAAWO; Madaxwaynaha Somaliland Oo Caawa Shir Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Shir Gudoonka Labada Gole Iyo... SUXUFI CAANKA AH GEESKA AFRIKA OO U DHASHAY SOMALILAND OO SIFO SHARICDARO AH UGU XIDHAN ITOOBIYA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|