Mareykanka Oo Sheegay Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Somaliya Hoos Udhigayaan Awooda Al shabaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo Sheegay Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Somaliya Hoos Udhigayaan Awooda Al shabaab.
March 11, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N-Taliska sare ee howlgalka Mareykanka Africom ayaa ku tilmaamay howlgalka iyo duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya kuwo wax tar leh.

Gen Stephen Townsend oo ah taliyaha howlgalka Africom ee Mareykanka ayaa isaga oo la hadlayay Idaacadda VOA waxaa uu sheegay in Mareykanku uu arkayo awoodii ururka Al-shabaab oo meesha ka sii baxeysa.

“Duqeymaha waxa aan xaqiiqdii rumeysanahay in ay yareynayaan awoodda Al-Shabaab, waxaan aragnaa in ay ka baxayaan meelaha aan xoogga saarno, muuqaal ahaan waxa aynu arkeenaa iyaga oo ka baxaya”.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee uu ka geysanyo gudaha Soomaaliya, waxaana ujeedka ay ku sheegeen in ay kaga hortagayaan Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen in ay khatar ku yihiin Dowlada Federalka Soomaaliya, AMISOM iyo danaha Mareykanka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa si joogta ah duqeymo uga fuliya qeybo kala duwan ee ka tirsan Soomaaliya gaar ahaan gobollada dhaca Koonfurta oo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

COMMENTS
LINKS