“Madaxweynuhu Waxey Aheyd In Uu Amar Xoogan Bixiyo, Oo Yidhaahdo Gobolkaasi Waa In War Rasmi ah La Iga Soo Siiyaa 24 Saacadood Gudahood” Siyaasi Cali Canter. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweynuhu Waxey Aheyd In Uu Amar Xoogan Bixiyo, Oo Yidhaahdo Gobolkaasi Waa In War Rasmi ah La Iga Soo Siiyaa 24 Saacadood Gudahood” Siyaasi Cali Canter.
March 18, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Cali Axmed(Cali-Canter), oo ah Siyaasi kasoo Jeeda Gobolka Sool islamarkaana, ah Hogaanka Sare ee Xisbiga Mucaaridka Waddani(Gudoomiye-Kuxigeenka)Gudida Ansahaxa Xisbigaasi ayaa Si adag uga hadley Falal Dil ah oo Ka dhacey Gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool isagoo ku dhaliilay in Xukuumadu ka Gaabisey Masuuliyadii iyo Talaabadii looga baahnaa in ay kaga jawaab celiso Dilkaasi,Waxaanu dhaliil adag dusha u Saarey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu saluug xoogan ka Muujiyay sida uu uga hadley Dilkan.

Cali Axmed Cabdi(Cali-Canter), oo si dareen badani ka muuqdo uga hadley saamaynta uu Shacabka Reer Sool ku yeelanayo, sida Xukuumada Madaxweyne Biixi u dhayalsatey Falkii lagu khaarajiyay, Gudoomiyihii Maxakmada Gobolka Marxuum Xasan Sheekh oo aan Qof Xukuumada katirsani u tacsiyayn,islamarkaana, aaskiisii uga Qeyb galin Maamul Gobol, iyo Masuuliyiin Amni iyo Mid Qaranba ama ha noqoto Garsoorka Guud ee Somaliland ama ha noqoto Wasaaradihii iyo Hay,adihii ku Shaqada lahaa ee Wasaarada Arimaha Guduhu ugu horeyso sida uu hadalkiisa u dhigay.

Siyaasi Cali Axmed(Cali-canter),Gudoomiyaha Gudida Anshax-Marinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo arintaa ka hadlaya Wuxu yidhi.

“Allaha ha unaxariistee Cabdiqani Guhaad Xasan-cade Wuxuu Ahaa Taliyihii Sirdoonka Gobolka, Waxaa la Sheegayaa in uu Faraha ku hayey Kiiska Baadhistii Gudoomiyihii Maxakmada Gobolka Marxuum Xasan Sheekh hase ahaatee, isna Waataa la Diley Waxa weeyi arin aad iyo aad loola yaabo iyadoo dadkii ehelkiisii ee dhaley doonayaan in Ciddii Dilkaa geysatey loo Dilo Marxuumka May Suurtagalin Waayo Dawllada Gudoomiyihii Maxkamada laga Diley Taliyihii Nabedsugi-dana laga Diley, ee aan habayaraatee Gurmad Qaran sameyn oo hadey noqoto Aaskii Marxuumka hore Xasan, oo aaney ka Qeyb galin Maamulkii Gobolka iyo Qof Xukuumada katirsani oo aan Xataa loo Tacsiyayn  xataa Garsoorkii Guud,oo Xataa Hay,adihii ku Shaqada lahaa aaney Tagin(Wasaaradda Arimaha gudaha),ee amniga Dalka u qaabilsan,Dawlladuna si adag ugamay hadlin Dilalkaas Madaxweynaha ayaan arkayayey oo shaley lahaa halkaa Dilalbaa ka dhacey ‘Markaa waa in Wax laga Qabtaa’ may aheyn in uu yidhaahdo Waa in Wax laga Qabtaa Waxey aheyd in uu amar Bixiyo oo Amar Xoogan Bixiyo,Madaxweynuhu oo yidhaahdo waa in Gobolkaasi War Rasmi ah la iga Soo siiyaa 24 anwers Gudahood, Dilkii hore Waxa Geystey iyo kan Dambe ciddii geysateyba»Ayuu yidhi Siyaasi Cali Axmed.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa «Waala heli karraa haddii la Baadho oo Si fiican loo baadho, Waxaana la doonayaa in la majarro habaabiyo oo lagu majara habaabiyo Meelo kale, dadbaa Durtaba Warar Been ah iyo Warar kutidhi Kuteen ah Meelahaa ka Sheegaya,Xaqiiqada yaan laga Luminin Baadhistu halka ay Xaqa u leedahay Gacan ku-dhiiglaha Dilkan Geystay yaan laga Luminin Waa in la helaa, waa in la helaa hadii la doonaayo in ay Xukuumadi kajirto Meesha haddii kalena, Gobolkaasi Waa Gobol dhinac ah intii Kulmiye joogayba Dilbaa ka dhacaayay,oo aan loo aabo yeelayn oo Madaxa laga Tooganaayo, Ciidamo Boolis ah iyo Ciidamo Milatariba Wey ka Buuxaan Meesha waala Heli karaa Xoogbaana lagu qaban karaa».Ayuu yidhi Cali Axmed Gudoomiyaha Gudida Anshax Marinta Xisbiga Waddani.

“Madaxweyne haddii aad Arintaa Wax ka Qaban-weydaan ka Xukuumada ahaan Dadku Wey Didayaan Ninka marka Walaalkii la Dillo,een Waxba laga qaban ee Aabihii la Dilo,een Waxba laga Qaban xaga kale ayuu kasoo Jeedsanayaa,Dadku wuu Didayaa hadaan arintaa Wax laga Qaban, dadku Waa Sida Xoolaha oo kale»Ayuu hadalkiisa kusoo Gunaanadey.

Waxaanu ugu Baaqey Shacbiga Reer Laascaanood, in ay Nabedgalyadooda ilaashadaan falkaana, aaney ka leexinin halka uu dhab ahaan yaallo, oo Nidaamka lagu dhawro.

Hadalka Siyaasigan katirsan Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ee kasoo jeeda Gobolka Sool, Cali Axmed ayaa daaha ka feyday, in Xukuumadan uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay ka aradan tahey dhinaca Waajibaadka Masuuliyiinta Xilalka u haya Wakhti xaadirkan, hadey noqoto Heer Gobol iyo hadey Noqoto heer Qaran iyo Hay,adaha Khuseeya Amaanka oo aad moodo in aaney habayaraatee haynin Shaqadii ay ku magacawnaayeen, balse ay kusoo baraarugayaan marka Shacbigu Tooso dhacdooyinka Foosha Xun ee ay kamid ahaayeen Dilkii hore ee 2dii Bishan ka dhacey Magaalada Laascaanood,oo Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Marxuum Xasan Sheekh ku geeriyooday Qarax loogu xidhay Baabuurkiisa, iyadoo aaney Aaskiisii ka Qeyb-galin Masuuliyiintii Gobolka,iyo Hay,adihii Amaanku islamarkaana, aaney habayaraatee Dilka loo Geystay iyo Geeridiisa ka hadlin, oo aaney ka tacsiyayn Qaranka iyo Qoyskiisa midna iyadoo ay Muhiimadu aheyd in Maamul Gobol iyo Wasaarada Arimaha Gudaha oo Wasiirku ugu horeeyaa ay si adag uga hadlaan isla habeenkii Falkani dhacey,

Sidoo kalena ay ka hadlaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo bahda Garsoorkuba, iyo Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Laamaha amaankuba, taasina ma ay dhicin haseyeeshee, waxa ay Su,aal badani ka joogtaa ilaa iyo hadda sababta aanu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Waajibaadka Wasaaradiisa khuseeyaan Dillka iyo falalka noocan ahi aanu uga hadlin dhacdadan Foosha Xun ee lagu Khaarajiyay Saraakiisha Dawllada Magaalada Laascaanood?….

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS