|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi oo Magacaabey Guddida Heer Qaran Ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus
March 14, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ujeeddo: Magacaabid Guddi Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.
Related posts:Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Kulan Layeeshay Wafti Uu Hogaaminayo Wakiilka Dalka Ingiriiska Ufadhiya... Ganacsade Xuseen Al Isaaqi Oo Ku Qaabilay Qado Sharaf Maanta Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha C... Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Shaaciyay In Uu Iska Casilay Xilkii, Muxuuse Ku Micneeyay Xilka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|