Madaxweynaha JSL Oo Qaranka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Qaranka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
March 19, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 19/03/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 19/03/2020, dalka Sacuudi Arabiya, gaar ahaan magaalada Damaam.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ilma Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabada Ilma Xaaji Ibraahim Cigaal meel ay joogaanba, Marxuumka oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha ah oo ku soo booday.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

COMMENTS
LINKS