Maayarka Laascaanood Oo Hay,addo Caalami ah Iyo Safaarada Mareykanku Ku Bogaadisay Doorka Ay Ka Qaateen Dhismaha Jidka Madaarka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Laascaanood Oo Hay,addo Caalami ah Iyo Safaarada Mareykanku Ku Bogaadisay Doorka Ay Ka Qaateen Dhismaha Jidka Madaarka.
March 4, 2020 - Written by Editor:

Laascaanood(W,N)-Maayarka Magaalada Laascaanood, Islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka iyo Xoghayaha Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa, dhambaal Bogaadin ah ka helay Safaaradda Dawllada Mareykanku ku Leedahay, Dalkaasi Kiiniya Kadib Markii, ay kawada Shaqeeyeen, Hay,adda USAID Dhismaha Jidka Madaarka Laascaanood, oo Maamulka Golaha Deegaanka Degmadu Ka Qaatey Doorkiisa.

Dhambaalkan, oo Maayarka Uga Yimid Dhinaca Safaaradda mareykanka, ayaa kusoo Beegmay Kadib Markii Xadhiga Laga Jarrey Dhameystirka Jidka Madaarka iyo Magaalada Laascaanood, oo ay Hay,ada USAID bixisay 75% (Boqolkiiba-shan iyo Toddobaatan) islamarkaana, ay fuliyeen Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood, oo Maayarku hormuud u yahey 25%(Boqolkiiba shan-iyo labaatankii), Shurruuda looga dhigay in ay Itaalkooda Xooga ku saarraan, Maadaama Madaarku Degmada Laascaanood u yahey Halbawle Dhaqaale isagoo ah Madaarka kaliya ee ka Furan Dalka Somaliland marka laga reebo Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal International-Airport.

Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo ka jawaab celiyay Dhambaalkan Hambalayada ah ee kasoo Gaadhey Dawllada Mareykanka ayaa Sheegay, in Hamblayadani tahey mid ku timid kalsoonida ay ka qaateen, Doorkii Ka Maamul Gole Deegaan, ahaan ay ka qaateen Dhismaha Jidka Madaarka iyo Magaalada Laascaanood isagoo arintaa ka hadlaya Waxa uu yidhi.

«Waanu ka Guddoonay Dhambaalkan, ay noo soo Gudbiyeen Ka Maamul Gole Deegaan ahaan Safaaradda Mareykanka, iyadoo ka Turjumaysa Wadashaqeyntii iyo Fulintii Shuruudeed ee Hay,ada USAID maadaam aanu anaku Qorshaha iyo Dalabkaba laheyn, Waxaanay tani Degmada Laascaanood iyo ka Maamul ahaanba noo tahey mid Fursad Weyn oo dhinaca Mashaariicda Arimaha Bulshada ah door weyn ka qaadanaysa, xaqiiqdii iyagoo xog baddan ka qaatey Doorka Dhaqaalaha iyo Dakhliga Degmada waxa ay aaminsanaayeen, in ay Duruufo badani jiraan oo ay naku adag tahey madaama aan Degmooyinka dhaqaalaha badan leh aan Mashaariicda lawadaagin sidaa darteed, ayey noogu hambalayeeyeen, anakuna waanu Soo dhaweyneynaa, waananu dedaalaynaa Waxaananu uga mahad celinaynaa Doorkii ay ku laheyd Xukuumada Dhexe Wasaaradda Arimaha Gudaha oo gacan naga Siisey»Ayuu yidhi Maayarku.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa, in Mashaariicda iyo Waxqabadka Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood intii hore kasoo korayo Marba marka ka dambeysa islamarkaana, uu Dhameystirka Dhismaha Jidka Madaarku kamid ahaa Qorshayaashoodii Waxqabadka Arimaha Bulshada Degmada iyo Gobolkaba.

«Waxa kale oo aanu halkan uga mahad celinaynaa Hay,ada NRC oo aan ka Guddoomay Cagafta Qodaalka Beeraha taas oo Hay,adaasi Noogu Deeqday Degmada taas oo iyaduna Qeyb ka ah, Qorshayaashii aanu usoo bandhignay Bulshada Reer Laascaanood, iyo Gobolka Sool, in aanu ka Maamul Gole Deegaan ahaan bilaabi doono Barnaamijyada dhinaca Waxsoosaarka ee Beeralay Xoolo-dhaqato taas oo iyaduna ka qeyb qaadan Doonta Saameyna ku yeelan Doonta Nolosha Bulshada»Ayuu yidhi.

Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa Gabagabadii Sheegay,in Balanqaadyadoodii Shacbiga reer Laascaanood ee Qorshayaasha Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood wax badani ka hirgaleen islamarkaana, ay Fuliyeen Mashaariic baddan oo aan ka D/hoose ahaan Ciddi la Wadaagin inta ka Dhimana ay Galin Doonaan Dedaal Dheeraad ah, Maadaama aaney la Wadaagin Degmooyinka kale ee Dalka Dakhliga Dhinaca Cashuuraha ee usoo Xerooda.

Laas’aanod Local Government – Mayor’s office

@MayorLaascanood

17h

Huge credit to TIS+

@USAID

for the support and partnership 4 d Airport Road Construction with 25% in-kind contribution, & 100m. Its a delight to have, functional airport with a Tarmac Rd leading to it, will increase business, & facilitate our diaspora to come back & invest

 

COMMENTS
LINKS