MAAMULKA PUNTLAND Oo Si Taxadar Leh U Aastay Qof Looga Shakisan Yahay In Uu U Geeriyooday Cudurka Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAAMULKA PUNTLAND Oo Si Taxadar Leh U Aastay Qof Looga Shakisan Yahay In Uu U Geeriyooday Cudurka Coronavirus.
March 29, 2020 - Written by Editor:

GAROOWE(W,N)-Waxaa maanta magaalada Garowe lagu aasay qof kamid ahaa dadkii looga shakisanaa cudurka Coronavirus, kaasoo xalay ku geeriyooday xarun lagu karantiilo dadka laga helo calaamadaha cudurka oo dhawaan laga hirgaliyay magaalada Garoowe.

Waxaa maydkiisa galbinayay shaqaalaha caafimaadka oo xidhan dharka iyo qalabka looga gaashaanto cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland weli kiiskaan si cad ugama hadlin, balse qoraal kooban oo ay soo saartay waxay ku beenisay inuu jiro wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah.

Waxaa kale oo ay sheegtay inay sharciga la tiigsandoonto dadka wararka been abuurka ah ka faafiya cudurka.

Iskusoo wada duuboo, waxaa kaliya ee ay Puntland ku beenin karto ama ku xaqiijin karto jiritaanka cudurkaan waa marka uu soo baxo natiijada baadhitaanka lagu sameeyay dadka la karantiilay ee uu ku jiray qofka geeriyooday.

COMMENTS
LINKS