Hadalka Cabatinka Ah Ee Marwada Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Cigaal Oo Noqonaya Dacwaddii Afraad Ee Dhul Ku Saabsan Oo Lagaga Cawdey Madaxweyne Biixi Intii Uu Xilka Hayey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalka Cabatinka Ah Ee Marwada Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Cigaal Oo Noqonaya Dacwaddii Afraad Ee Dhul Ku Saabsan Oo Lagaga Cawdey Madaxweyne Biixi Intii Uu Xilka Hayey!
March 21, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Marwada Madaxweynihii Geeriyooday Ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Kaltuun Xaaji Daahir, ayaa Markii u horeysay Tabasho Aad u xoogan oo ku Saabsan Muran dhul lagu haysto,oo ku yaala Shacabka Caasimada Hargeysa Kusoo bandhigtay warbaahinta, Waxay Dacwadaasi iyo Culays Awoodeed oo kale oo la Saarey oo Muddoba Ku Socdey Dusha usaartey in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Qoyskiisu tacadiga ku hayeen.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo maanta Sitoos uga hadashey Warbaahinta ayaa Faafaahin dheeraad ah ka bixisey Dhulka lagu haysto, iyo cidda ku haysata oo ah Madaxweynaha laf,ahaantiisa iyadoo Xustey, in Damaca muranka u dhexeeya iyada Madaxweyne Biixi ahaa, mid soo taxnaa tan iyo Madaxweynimadiisa ka hor oo ku sineyd Wakhti imika Mudo dheer laga joogo islamarkaana, ay labadoodu si fool ka fool ah uga wada hadleen Muranka dhulkan, Xilligii Xukuumadii u dambeysay ee Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxweynuhu(Muuse-Biixi) ku gacan-seydhay dhexdhexaadin lagu dhex Galey.

“2003dii ayaa u Horreysay oo aan Dhulkaa kaala Hadley Muusaw(Madaxweynaha), Lama Arrag Madaxweyne, Madaxweyne Kale Dhul u taakiya ama ha Weynaato ama ha yaraato labadii Madaxweyne ayaa Dhulkan isiiyay dhinacaana, in aan Dego ayaa la,iisiiyay Dhinacaa kalena Aan Taarikhda Marxuumkii(Cigaal) dhigo Annigu iibsan Maayo Rarina Maayo Dhulka Hargeysa, Hargeysa Guryihii Shacabkana orod eeg Waattaa la boobaye intaad anniga i eegayso dad aan Gayin oo aan Somaliland abaal ku laheyn ayaa Abaal La,aan ku qaatey”.Ayey Tidhi Marwo Kaltuun.

Iyadoo hadalkeedda Sii Wadata Waxa ay intaa ku dartey Marwo Kaltuun Xaaji Daahir.

“Waa Nasiib Darro Inaadeerkaa Fiiqna Kulama Rabbo Foolxumana Wuu Kugu Caayaa Waxaan Cod-dheer iyo Mid Gaabanba ugu Dirayaa intii Somaliland Joogta ee Magacayga iyo Muuqeyba Garaneysa,iyo intii Maxamed Ibraahim abaalka ku lahaa iyo intii kaleba, in ay halkaa isugu Yimaaddaan oo haddii aanu gar daranaheyna, ay Geedkaa nagu Xidhaan Haddii Nalaku Durdurinayana… Adeer Xukunkan Waala Soo Wada Marrey waxna kamaanaan Qabsan annaku dhulna Kamaanaan Qaaddan, Haddaad u baahateen oo aad ii Quudhi Weydeen Usoo Dirro Wasiirka Hawlaha Guud iyo inanka aad Abtiga u tahey ee (Ciise) ee aad ku tidhaa Habeen Walba iisoo Cabir dhulkeena, oo GPRS iigu soo Sawir Furrayaasha usoo Diro idinkaa Deg degayoo, Nafta Doojinayoo Diihaal La Sahey,ehe”.Ayey Tidhi Marwo Kaltuun.

“Illaa 2003dii Muusaw, Ka ugu Weyn ee i Haystaa Addiguu ahaa,Walli Kama Hadal  Qofka igu Yidhaa Ma Muusaa, Dhul kugu haysta Waxaan odhan Jirrey Maya, Addigaa I Haysta oo Addigaa I Haysta, oo Addigaa I Haysta,Waxaad ka heshaad Leedahey Inankiinu Waxaasi Waa ilmaadeeraday, ee aan kala hayaa ee aan Is Leeyahey, Waa la is Dili ee ha is Ceebaynina, Haddii aaney Ceebtu idinka Wax idinka Qaadeyn Dadka Kalena Waxba ka Qaadi mayso”.Ayey Tidhi  Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo aheyd Xaaskii Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxaanay ugu Dambeyntii Sheegtay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kaga baxey balankii uu u Qaadey, islamarkaana, uu Ku Waddo Mu,aamaraad.

Waa markii Sadexaad ee Nooceeda ah, ee uu Dibada usoo baxo Tan iyo intii Tallada Dalka Gacanta Ku Qabtey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi arimo la Xidhiidha Muran Dacwad Dhul, oo u Dhexeysa Madaxweynaha iyo Qoyskiisa iyo Dad kale, iyadoo Arimahaasi mudaba haysteen Warbaahinta Maxaliga ah iyo Baraha ay Bulshadu ku Kulanto ee Isticmaalka Facebook oo si xoog ah Muddo loogu hadalhayey ilaa Sadex Kiis oo ku Saabsan Muran dhinaca Dhulka ah oo Madaxweynuhu Soo galey, haba ugu Sii adkaaddo Dhulkii Maxamed Xasan Dalab, oo lagu Sheegay in laga Dhigayo Xarunta Cusub ee Madaxtooyadda Somaliland halka uu isaguna Sheegay in Dhulkaas oo uu isagu lahaa lagu haystey Muddo labaatan Sanadood ah, oo Maxakamadaha Dalka oo dhami isaga u Xukumeen balse uu hadda ogaadey Xaqiiqda Cida ku haysatey Dhulkiisu in uu ahaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka qaadan Jirrey Dacwadahaasi Ambiil.

Dhanka kale waxaa iyana jirta dhul murankiisu udhexeeyo qoyska madaxwayne bixi iyo boqolaal qoysk oo degan agagaarka buurta kala jeexan ee galbeedka hargaysa.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS