Haayada Shaqaalaha Jsl Oo Shaacisay In La Joojinayo Nidaamka Xaadiriska Shaqaalaha Ee Finger Printanka Iyo Awaamiir Kala Oo Lagaga Hortagayo Coronavirus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayada Shaqaalaha Jsl Oo Shaacisay In La Joojinayo Nidaamka Xaadiriska Shaqaalaha Ee Finger Printanka Iyo Awaamiir Kala Oo Lagaga Hortagayo Coronavirus.
March 17, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa shaacyay amaamiir culus oo lagaga hortagayo xanuunka corona virus kuwaasi oo lagaga dhaqmi doono xarumaha dawlada.

Qoraal kasoo  bay haayada shaqaalaha dawlada ayaa U dhignaa Sidan;

1- In la joojiyo isticmaalka nidaamka xaadiriska shaqaalaha-finger printka ama buuga xaadiriska muddo 4 todobaad ah

2- In Shaqaale gaar ah oo ka mid ah shaqaale hoosaadka, ilaaliyayaasha iyo askarta amniga (watchmen /security guards)albaabka hore joogta loo dhiibo dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo (wash hand sensitizer ) si cid kasta oo soo galaysa xafiisyada Dawlada xarunta iyo xafiisyada goboladaba loogu nadiifiyo gacmahooda, hadiiba taas la ay suurtoobi waydo waa in badaalkeeda kildhi/ibriiq biyo ah, baaldi wayn iyo saabuunta dareeraha ah ee gacmaha lagu maydho la dhigo kedinka qof kastana la faro lana hubiyo inuu maydhay gacmihiisa si qofna u gelin gudaha dhismaha iyo xafiisyada isaga/iyada oo faraha aan sii maydhin.

3- In la yareeyo booqashada dadka shicibka ah ee xarumaha iyo xafiisyada Dawlada gelaya waxii aan shaqo iyo kulan muhiim ah oo la ogyahay ahayn, waxii booqasho kulan is arag ah oo aan muhiiim ahayn, waa in la hirgeliyo telefoonka line ka oo yaalla kedinka si qofka soo booqdaha ah loola hadalsiiyo masuulka uu rabo ama loo fududeeyo inuu telefoonkiisa gacanta ka wada hadlaan ama loogu yeedho si uu ugu yimaado debeda.

4- Hadiiba qof shaqaale ka mid ah intaanu soo shaqo tegin subaxii isku arko xumad,qufac ama calaamadaha durayga/hargab waa in aanu iman goobaha shaqada ( xafiiskiisa) iskana joogaa gurigiisa mudo 2 todobaad ah.

5- Qofka shaqaale ah ee isagoo shaqada ku jira isku arka xumad, qufac qalalan/cuno xanuun ama calaamadaha hargabka/Durayga waa inuu degdeg uga baxaa xafiiska qaataana fasax toosna u tagaa gurigiisa isagoo mudo 2 todobaad ah ka maqnaanaya shaqada.

Farxaan Aadan Haybe

Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha

 

COMMENTS
LINKS