Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Safar Ku Jooga Jabuuti Iyo Ujeedada Booqasho Uu Ku Tagay Safaarada Somaliland Ee Dalka Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Safar Ku Jooga Jabuuti Iyo Ujeedada Booqasho Uu Ku Tagay Safaarada Somaliland Ee Dalka Jabuuti.
March 15, 2020 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani Cabdiraxmaan cirro ayaa safar ku jooga dalka jabuuti kaasi oo aan la shaacin ujeedadiisa iyo waxa uudaaran yahay.

Wararka laga helayo safarka gudomiyaha xisbiga wadani ujooga dalka jabuuti ay la sheegay in uu casuumad rasmi ah ka helay madaxwaynaha dalka jabuuti oo kaasi oo ay kulamo yeelan doonaan.

Dhanka kale gudoomiye cirro ayaa booqasho ku tagay safaarada Somaliland ku leedahay magaalaa jabuuti halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay wakiilada Somaliland Amb cabdifataax.

Booqashada gudoomiye cirro ee safaarada Somaliland ee jabuuti iyo soo dhawaynta ambassador cabdifataax ayaa dareeno kala duwan ka dhex abuurtay bulshada reer Somaliland kaasi oo looga baran xukuumada madaxwayne biixi in wakiiladeeda dibadu qaabilaan mucaaridka taasi oo laga cabsi qabo in soo dhawaynta Gudoomiye cirro ay galaafato wakiilada jabuuti ufadhiya Somaliland oo isagu mudo dheer joogay safaarada islamarkaana wakhtigan umuuqda mid ka leexday siyaasada xukuumada madaxwayne biixi Iyo aragtida ay ka qabto xisbiyada mucaaridka xili safarka gudoomiye cirro ee jabuuti iyo casuumada uu ka helay madaxwayne geele sas ku abuurtay xukuumada madaxwayne biixi oo iyadu il gaara ku haysa xidhiidhka jabuuti iyo xisbiga ugu wayn xisbiyada mucaaridka ee wadani

Sicad looma oga sobobta keentay in wakiilada Somaliland soo dhaweeyo gudoomiyaha xisbiga wadani halka xogaha qaar ay tibaaxeen in ambassador cabdifataax la shaqaynayo siyaasada madaxwayne Geele taasina ay keentay in uu qaabilo cirro halka aan sicad loo ogayn aragtida xukuumada ee socdaalka cirro,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

COMMENTS
LINKS