Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Tartanka Qandaraaska Timirta Iyo Tirada Shirkadaha ka Qaybgalaya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Tartanka Qandaraaska Timirta Iyo Tirada Shirkadaha ka Qaybgalaya!
March 10, 2020 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N:- Gudida qandaraasyadda qaranka ee Somaliland ayaa maanta soo bandhigay Qandaraaska timirta oo ay ku tartami doonaan qaar ka mid ah shiradaha dalka.

Guddoomiyaha Guddida qanadaraasyada qaranka ee Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in shirkadaha mashruucan soo xaraystay eek u tartamayaa ay yihiin 12-shirkadood kaas oo si daahfurnaan leh ay uga qayb galayaan tartamayaashu.

Qaar ka mid ah shirkadihii ku tartamaayay mashruuca timirta ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan tartanka loo gelaayo mashruuca timirta cidwalibana ay nasiibkeeda ka qaadayso.

Maxamed Diiriye Xayd oo kamida gudida qandaraasyada Qaranka iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Madaxtooyadda iyo Gaashaan dhiga ayaa sheegay in mashruucan muhiibad balaadhan leeyahay isla markaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ku guulaysta Mashruuca Timirta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS