|
|||||
WAJAALE NEWS
Goldaloolada Nidaamka Garsoorka Dalka Iyo Isku Milanka Saddexda Waaxood Wuxuu Tilmaamayaa In Laga Baydhay Ku Dhaqanka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland!FAALO.
March 16, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Maalin Walba Waayaheedu wuu ku lammaan Yahee,muddo toban sanno laga joogo waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaya golddaloolada ka muuqata nidaamka Garsoorka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Mar kale,muwaadiniinta Somaliland u dhashay ee u ololeeya Barashada,ilaalinta,ku dhaqanka dastuurka dalka iyo saraynta sharciga waxaa u muuqata xad gudubyo badan oo ay wadaagaan saddexda waaxood ee qarankani ka kooban yahay.Halka qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ay gabi ahaanba moogan yihiin in barashada,ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurku ay waajib qaran ku tahay muwaadiniinta bulshada Somaliland . Inkastoo Madaxwayne Muuse Biixi xukuumadiisa ku soo daray Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha,hadana Waxaa wali sii socda in laga tallaabsado dastuurka dalka Somaliland,halka siyaasiyiinta saaxadda hoggaaminta dalka ku Hirdamayaa muxaafid iyo mucaaridba ayna doodahooda iyo Afkaarta ay bulshada u gudbinayaan buddhig uga dhigin dastuurka iyo xeerarka dalka Somaliland,iyadoo dhacdooyin badan oo ku soo noqnoqday saaxadda hoggaaminta dalka Somaliland ay tilmaamayaan in ay saddexda waaxood ee qaab dhismeedka dawladda somaliland ka kooban tahay saddexduba ka talaabsadaan xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah,sida ka muuqata dhacdadan .
Dabayaaqadii sannadkii hore ee 2019 siyaasiyiinta madasha Wada tashiga ku bahoobay oo magac iyo maamuusba ku leh Dalka jamhuuriyadda Somaliland.Xillal kala duwan oo heer Wasiirrana ka soo qabtay,waxay maxkamadda sare u gudbiyeen Dacwad ay ku dalbanayaan sharcnimada muddo kordhinta ay Sameeyaan golaha guurtidu oo markii 6 aad ay u kordhiyeen Golaha wakiillada muddo laba sanno ah,halka golaha guurtidu Isku kordhiyeen markii 7 aad muddo saddex sanno ah.Iyadoo maxkamadda sare dacwadaa dib ugu soo celisay,kuna sabobaysay soo celinta magaca madasha wada tashiga ee ay sheegteen. Mar kale,waxay siyaasiyiintani ka tanaasuleen Sheegashada magacii,waxayna maxkamadda sare dacwaddii dib Ugu celiyeen.Iyagoo muwaadiniina,inkastoo dacwadaasi ayna Noqon mid dariiq sharciya ku dhammaata,balse muwaadin dhugu qodobada dastuurka ee sida cad u qeexay xilka iyo waajibaadka uu dastuurka Somaliland uu ku waajibiyay waaxda Garsoorka . Dastuurka Qodobka 97 aad Waaxda Garsoorka 1;Waxuu qaranku yeelanayaa waax garsoor oo howsheedu tahay ka gar naqa dacwadda u dhaxaysa dawlada iyo dadka iyo dadka dhexdooda . 2;Waaxda garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si waafaqsan dastuurka iyadoo ka madax banaan waaxyaha kale .Qodobka 98 Aad ee Dastuurka 1;Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay . B;In uu fasiro xeerarka ka soo baxa golayaasha qaranka iyo xeerarka dagdaga ah iyada oo la raacayo dastuurka . T;In uu ka gar naqo khilaafka ka abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo dadwaynaha oo dhinac ah ama dadwaynaha dhexdooda . J;In uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta dastuurka . Ugu dambayn,waxaa taariikhda sannado iyo qarniyo danbe lagu xusi doonaa mugga dacwadda ay u gudbiyeen siyaasiyiinta madasha wadatashigu maxkamadda sare ee Somaliland iyo qaabka ay u waajahday Maxkamadda sare oo tilmaamaysa golddaloolada nidaamka garsoorka dalka,muddo xileedka Guddoomiye Aadan X Cali . Waa barrito iyo bil danbe hadii Alle idmo . La Soco Qormooyin kale oo ku lafo guri doono Isku milanka saddexda waaxood ee dhismaha dalka jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay . WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALENEWS STAFF.
Related posts:Odayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Boqol Dollar Oo Mudo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Uga... DAAWO Shirkii Khaatumo State oo Madaxwayne Loogu Doortay Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Somaliland o... Daawo:Xisbiga Kulmiye ee Tahli kari Waayey Inuu Qabsado Shirkiisii Golaha Dhexe Ayaa Aayaha Somalila... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|