Fursadaha Madaxweyne Biixi Uga Faa,ideysan Lahaa Arimaha Mandaqada Ka Cusboonaadey, Malaga Yaabaa In Ay Ka jeediyaan Murankan Isaga iyo Shacabka Hargeysa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fursadaha Madaxweyne Biixi Uga Faa,ideysan Lahaa Arimaha Mandaqada Ka Cusboonaadey, Malaga Yaabaa In Ay Ka jeediyaan Murankan Isaga iyo Shacabka Hargeysa?
March 23, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Madaxweynaha Waxeynu u Dooraney in uu inooka Shaqeeyo Danno Qaran oo ka Culus Arimaha Dhexdeena Yaala,Waxeynu u Dooraney in uu lasocdo Dhaqdhaqaaqyada Geeska, iyo Culayska Maanta Fuulay Soomaaliya iyo Jabuuti ee Carabtii ay kamidka ahaayeen,ku taageereen Qadiyada u dhaxeysa masaarida iyo Itoobiya, iyagoo haddana iska Maslaxaya Itoobiya, ayey luuqad kale kula hadleen Markii Raysal-wasaare Kheyre u cararayey Adiss ababa,

Waxeynu Ognahey in Itoobiya Dawllad Fac Weyn oo talaabadooda ay Masar ku taageereen ka Warheysa Haseyeeshee, Raysal-Wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaya Mid Siyaasada ku Cusub oo Aan Waxan fahansaneyn Mawduucan, Xaqiiqdii Mudooyinkii u Dambeeyay madaxda Soomaalidu Waxey Somaliland kula hadlayeen iyagoo Itoobiya usoo dhex maraya Waa Fursad Loo Baahnaa in ay Dhaqdhaqaaqeeda Siyaasada Arimaha Dibadda kor u Qaado oo Si Cilmiyaysan uga Faa,idayso Fursadahaa Aynu Arkeyno, Waana Xaqiiq In Soomaaliya Madaxdeedu Cadaw inoo Yihiin Maanta mana Ogola in aynu ka Gudubno halka aynu Joogno ee Geediga Dheer ah.

Waa Nasiib-darro Macal-Asaf in Madaxweynihii lagu Sheego Dhul iyo Murankii Maanta oo uu Taladii dalka Hayo, iyo Waliba Ganacsi Maanta Dagaalna Wuu inagu Socdaa waxeynanu haysanaa Fursado Wanaagsan oo aynu Arimha DiBADA KAGA Hawlgali karno, Laakiin miyaanay Isweydiin Mudneyn in la Baadi Doono Aqoonyahankii iyo Siyaasiyiintii Waayo-aragnimada ulahaa Dhaqdhaqaaqa Xiligan Iyo Ciyaaraha Afrika ka dhex Socda, Dabcan Madaxweynaha ayaa ku khasban in uu Xusho Dad Siyaasada Socota Aqoon u leh hankiisa iyo Himiladiisana Kor u Qaaddo.

Waxaan kula Talinayaa Ragga Aqoonyahanka ah iyo Waxgaradka Somaliland in ay Wixii tallo ah u Gudbiyaan Isklamarkaana, aaney ku haleynin Arimo Badan Madaxweyne Biixi laakiin ay Dagaalka Dhinacooda Ka Galaan, oo Fursadaha inooka Faa,ideeyaan Wabilaahi Tawfiiq.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

 

COMMENTS
LINKS