Shirkada Ethiopian Airlines Oo Ka Hadashay Hakan Laba Cisho Ah Oo Ku Yimid Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Somaliland Iyo Raali Galinta Ay Ka Bixisay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Ethiopian Airlines Oo Ka Hadashay Hakan Laba Cisho Ah Oo Ku Yimid Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Somaliland Iyo Raali Galinta Ay Ka Bixisay.
March 21, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Shirkada Diyaaradaha Ee itoobiyaan Airlines Ayaa  ka Hadashay Dib Udhac laba cisho Oo ku yimid Duulimaadyadii ay ku iman jirtay Caasimada Somaliland Ee Hargaysa.

Maamulka shirkada itoobiyaan airlines oo qoraal kooban oo ay kaga hadlayaan hakanka labada cisho ah ee duulimaadyadii Hargeisa to Adis ababa Ku yimid, ku baahiyay boga ay ku Leeyihiin triwtterka Iyagoo sheegay in ay si caadi usocon doonaan duulimaadyadii ay ku iman jirtay Caasimada Hargaysa.

Sidoo kale maamulka shirkada diyaaradaha ee itoobiyaan Airlines ayaa rakaabkooda ka raali galiyay hakanka laba cisho ah iyo wixii dhib soo gaadhay Pessengerka.

Maamulka shirkada Etoobiyaan Airlinee oo  Arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxu udhignaa Hadalkoodu Sidan;

“Duullimaadyadayada ka yimaada  Hargeisa illaa #Addis ee isku xidha in ka badan 120 meelood ayaa Tagaya jadwalkooda, laba jeer maalin kasta.

Maanta waxaan diyaarinay dhammaan Rakaabkii labadii maalmood ee la soo dhaafay hakintu ku timid duulimaadyadii, waxaanan ka raali galinanaa wixii dhib ah labadii maalmood ee lasoo dhaafay soo gaadhay rakaabka Ku raaxayso duulimaadyada  Ethiopian airlines ayay hadalka kusoo koobeen maamulka shirkada itoobiya airlines.

Talaabadan ay qaaday shirkada diyaaradaha ee itoobiyaan airlines ayaa meesha ka saaraya warar been abuur ah oo labadii maalmeed ee ina soo dhaafay ay baahinayeen maamulka Madaxwayne farmaajo oo iyagu sheeganayay in joojiyeen safaradii diyaarada dalka itoobiya ku iman jirtay madaarka caalamiga ee cigaal international airport,

HALKAN KAGA BOGO WARKA SHIRKADA ITOOBIYAAN AIRLINES OO ENGLISH AH;

Ethiopian Airlines Hargeisa (@flyethiopianhga) Tweeted:

Our flights from #Hargeisa to #Addis connecting more than 120 destinations are operating as per their schedule, twice daily.

Today we accommodate all Passengers from the last two days flight cancellation, we Apologize any inconvenience for last two days.

Enjoy flying with #ET

 

COMMENTS
LINKS