“Deked Ahaan Waxanu Samaynay Diyaar-garow Dheeraada Cudurka Coronavirus, Maadaama Oo Ay Dekeddu Tahay Mariinada Ugu Mihiimsan Somaliland” Maareeye Eng Siciid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Deked Ahaan Waxanu Samaynay Diyaar-garow Dheeraada Cudurka Coronavirus, Maadaama Oo Ay Dekeddu Tahay Mariinada Ugu Mihiimsan Somaliland” Maareeye Eng Siciid.
March 4, 2020 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Weheliyaan Badhasaabka gobolka, duqa degmada Berbera iyo wasaarada Caafimaadka, waxay Maanta isaggu yimaadeen Kulan Balaadhan oo lagaga gaashaamanaya ka hortagaa Xanuunka Corona virus.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi, “Deked ahaan waxanu samaynay diyaar-garow dheeraada, Maadaama oo ay Dekeddu tahay mariinada ugu mihiimsan ee laga soo galo dalka Somaliland.

Wasaaraddu waxay diyaarisay Koox Caafimaad oo nala shaqaynaysaa xanuunka  baadhistiisa kuwasoo markaa maraakiibtu soo istaagto, ka hortagi doontaa intaa aanay cid kale soo gaadhin, waxanay baadhis ku samayn doonaan dadka Saaran Markabka ama doontaa.

Deked ahaana waxanu kooxda caafimaadka ula shaqaynyanaa si heegan ah, agabyada iyo gurmad kastoo ay nooga baahdaan waanu la garab joognaa. Waxa wax walbaa ka muhiimsan inaynu Ilahay barina oo ka ducayaano Xanuunkaa, inaanu inoo keenin, Alle innoma Keene”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid.

COMMENTS
LINKS