Dawlada Sucuudiga Oo Masaajidada Maka Iyo Madina Ka Mamnuucday Tukashada Salaadaha Jamaca Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Sucuudiga Oo Masaajidada Maka Iyo Madina Ka Mamnuucday Tukashada Salaadaha Jamaca Ah.
March 21, 2020 - Written by Editor:

RIYAD (W,N)-Boqortooyafa Sacuudi Carabiya ayaa joojisay in gebi ahaanba salaaddaha jamaca ah ee lagu tukado gudaha iyo bannaanka labada masjid ee barakaysan ee ku kala yaalla Maka iyo Madiina si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Go’aankan lagu joojiyay salaadaha jamaacdaha ee Masjidka Xaramaynka iyo Masjid an-Nabawi, ee ku kala yaalla Maka iyo Madiina ayaa lagu sheegay mid ku meel gaar ah.

Mar sii horreysay, Talaadadii, Sacuudiga ayaa joojiyay in salaadda lagu tukado dhammaan masaajida kale.

“Dowladda, waaxda ammaanka iyo saraakiisha caafimaadka waxay go`aansadeen in la hakiyo salaadaha jamaacada ee Masjidka Weyn [Masjid al-Xaram] iyo Masjidka Nabiga [Masjid al-Nabawi],” sidaa waxaa yiri Hani bin Hosni Haider, oo ka tirsan maamulka labada masjid.

Sacuudiga waxaa Khamiistii laga helay 36 kiisas cusub oo fayraska ah, taas oo guud ahaan tirada kiisaska ka dhigeysa 274. Ma jirta ilas iyo hadda qof cudurkaasi ugu dhintay gudaha Sacuudiga.

Boqortooyada ayaa horay u qaadday tallaabooyin adag. Marka laga reebo xiritaanka masaajiddada, waxay joojisay duullimaadyada caalamiga ah, iyo Cumrada, waxay xirtay iskuullada, meelaha laga dukaameysto iyo maqaayadaha, waxayna dadka ku wargelisay inaysan shaqooyinka aadin.

Dhanka kale, Boqor Salmaan-ka Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyada ay qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka fayraska isla markaana wuxuu ka codsaday dadka inay si wadajir ah ula dagaallamaan xanuunkan.

“Waxaan ku nool nahay xilli adag oo taariikhda dunida ka mid ah, balse si buuxda ayaan uga warqabnaa in laga gudbi doono,” ayuu ku yiri boqorka 84-jirka ah khudbad uu Khamiistii jeediyay.

Inkastoo ay xaalad adag ka taagan tahay suuqyada gobolka isla markaana uu hoos u sii dhacayo qiimaha shidaalka, ayaa Sacuudiga oo ah dalka koowaad dunida ee dhoofiya shidaalka ceyriinka ah wuxuu diyaariyay 50 bilyan oo riyaal ($13bn) si loo taageero shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe, waxayna dhintay qorshe-sanadeedka dhaqaale ee dalkaas ku dhowaad boqolkiiba shan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS