Dawlada Maraykanka Oo Digniin u Dirtay Dhinacyadii Ku Dagaalamaya Beled Xaawo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Digniin u Dirtay Dhinacyadii Ku Dagaalamaya Beled Xaawo.
March 3, 2020 - Written by Editor:

Muqdisho(W,N)mareykanka ayaa baaq kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamayaa Beled-Xaawo iyo duleedkeeda in ay joojiyaan iska hor imaadka.

“Amb Yamamoto iyo safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan iska horimaadka hubeysan ee ka socda Beledxaawo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan oo goor dhaw lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhinacyada hoggaaminaya dagaalkaas in ay dulqaad muujiyaan

“Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka, hoggaamiyaasha labada dhinac waxaa loo baahan yahay in ay samir muujiyaan oo ka faa iideystaan waxtarka umadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Dagaal maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo laga barakacay inta madan magaalooyinkaas oo ay ku dhacayeen madaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac, waxayna dadka ku nool deegaanadaas ka cabsi qabaan in dagaalka ka qarxay xuduuda uu sii daba dheeraado.

 

COMMENTS
LINKS