Dawlada Jabuuti Asbaabaha Ay U Xidhatey Xuduudka Ay Lawadaagto Somaliland, Ma Mid Xaalada Xanuunka La Xidhiidhaa Mise Waa Ujeedo Kale? Faallo, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Asbaabaha Ay U Xidhatey Xuduudka Ay Lawadaagto Somaliland, Ma Mid Xaalada Xanuunka La Xidhiidhaa Mise Waa Ujeedo Kale? Faallo,
March 22, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Dawllada Jabuuti ayaa Maalintii Axadii Si toos ah U Xidhatey Xuduudka ay Lawadaagto Somaliland ee Tuulada Lawyacaddo, iyadoo aan la garaneyn Sababta dhabta ah marka Laga Yimaaddo hadalheynta Xanuunka Crona-Virus ee laga hadalhayo Dunida Inteeda ugu baddan.

Inkastoo dad baddani Tuhunsan Yihiin, in Dawllada Jabuuti Xidhitaanka ay xidhatey Xuduudeeda ay Lawadaagto Somaliland, aaney marnaba la Xidhiidhin mawaadiicda ku wajahan Xanuunka Caabuqa ah ee sida Weyn looga hadalhayo, Dunida maadaama aaney habayaraatee Wax cabsi ah ka Qabin dhinaca Somaliland oo aanu ka jirrin Xanuunkaasi haseyeeshee, uu Xidhitaanka Xuduuda la Xidhiidho Sawir kale, oo khuseeya Danaha ay ka leedahey dalal kale islamarkaana, aaney habayaraatee marnaba ku tixgalineynn Somaliland Wixii ay ku raali galinayso, Soomaaliya,Itoobiya iyo Xidhiidhada u hooseeya Maamulka Koonfurta Soomaaliya balse, aaney iyaddu ka abaashaneyn Wax kasta oo ay uga Baahato Somaliland xataa hadii ay uga baahato, in loo gudbiyo cid kasta oo ay daniddo oo shacabka Somaliland ah.

Dad Baddan oo si aad ah ula Socda Xidhiidhka Daneysiga Siyaasadaha Dawllada Jabuuti,ee ku aadan Soomaaliya iyo Somaliland Waxa ay Rumeysan yihiin Wakhtigan, in Madaxweyne Geele ay u noqoneyso markii ugu horeysay ee Nooceeda ah, oo aannu habayaraatee, Waxba iskaga Tirinin Somaliland iyo Maamulkeedda iyadoo u muuqata in Madaxweyne Geele Rumeysan yahey in uu meel iskaga Tiiriyay, Arimaha Somaliland isagoo u Isticmaaley madaxda Somaliland khibradiisa Dhinaca aqoonta ugaarka ah ee uu kaga Duwan Yahey, Siyaasiyiinta Soomaalida ee Xidhashada Shaadhkiisa Itoobiyaanka ah(Kaangetbalaay) kur kala socosho, halka uu geesta kale si aad ah ugu tixgalinayo, Gorgortanka Dawllada Federaalka Soomaaliya kula gashey Dalalka Geeska Tusaale ahaan Siyaasadii y la Wadaagtey Itoobiya, iyo Elatariya oo nabar culus ku aheyd isaga Madaxweyne(Ismaaciil Cumar Geele), iyo Dawlladiisa Jabuuti maadaama ay dano badan oo dhaqaale kaga xidhan yihiin Isticmaalka Dawllada Itoobiya ee Dekeddaha Jabuuti oo Cidhiidhi galinaysa haddii Ealatraiya la Wadaagto, in Itoobiya Isticmaalkeeda Jabuuti Qeyb kamid ah u Wareejiso Dalkaasi.

 

Geesta kalena, Waxa aan ka madhneyn khidadaha khiyaamo ee Madaxweynaha Jabuuti wakhti Xaadirkan u jilayo Madaxda Somaliland ayaa, ku tuxaluqa sida uu Maamulka Somaliland uga Dhug Laayahey, Siyaasadaha loogu Heshiiyay ee Dhinaca Istaraatijiyadaha Somaliland ee ay Wadaagayaan Dawlladaha Imaraadka, Itoobiya, iyo Maamulka Federaalka maadaama ay Qadiyaddo badan ka Jecelyihiin Dhaqaale Raadis hoos u dhigaya Gorgortanka ay iskaga caabiyi Laheyd Somaliland Maamulka Koonfurta Soomaaliya, Itoobiya iyo Dawllada Imaaraadka iyadoo ay Sideedaba Jabuuti had iyo Jeer Dareen baddan ka qabtey in Somaliland Dawlladaha Carbeed iyo Beesha Caalamku u Tixgaliso Istiraatijiyada Badacas iyo Dekedda Berbera.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS