|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Xabsiyada Kasiidaysay Afar Kun Oo Maxaabiis Ah
March 25, 2020 - Written by Editor:Addis Ababa (W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay. Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa ku amartay shaqaalaha wadanka in ay kusugnaadaan guryahooda taas oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka. Kulan aan caadi ahayn oo dhacay Salaasadii shalay, golaha wasiirradu waxay ku meel mariyeen go’aanka ah in shaqaalaha dawladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda laga bilaabo March 25, 2020, illaa ogeysiis dambe. Itoobiya waxay xaqiijisay hal kiis oo kale oo ah coronavirus (COVID-19), taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacay 12 qof. https://youtu.be/HBhME4Zx1c4 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|