Dawlada Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Xayiraada Internet-ka Iyo Telefoonada Ka Qaado Gobolka Oromada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Xayiraada Internet-ka Iyo Telefoonada Ka Qaado Gobolka Oromada.
March 9, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa Dowladda Itoobiya ugu baaqday inay si degdeg ah u qaado xayiraada isgaadhsiinta Internetka iyo taleefoonka ee gobolka Oromada.

Xayiraadan ayaa muddo laba bilood ah saarnayd waxaanay ka hor istaagtay qoysas badan inay wada-xidhiidhaan, iyo in xayiraadaasi ay khalkhal galisay adeegyo fara badan oo naf lagu badbaadin karayey ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda maanta Human Right Watch.

Tan iyo bishii January 3, 2020, mas’uuliyiinta dawladdu waxay jareen xidhiidhkii Taleefanka gacanta, taleefannada Lanline-ka loo yaqaan, iyo adeegyada internet-ka ee galbeedka gobolka Oromada.

Human Rights Watfh waxay sidoo kale sheegtay in dadka deegaano ay u sheegeen in internet-ka iyo adeega Baraha Bulshada in laga xidhay.

Xayiraadan ayaa lagu soo rogay meelaha ay maamulaan milatariga dawladda Federalka ee Ethiopia, waxaana lagu soo waramayaa in meelahaasi milatarigu maamulo ay ka jiraan hawlgalo ka dhan ah garabka hubaysan ee la mamnuucay Jabhadda Xoreynta Oromo (OLF).

Dhanka kale warbaahinta ayaa sheegaysa inay jiraan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal iyo xadhig tiro badan oo ay geysteen ciidamada dowladdu.

COMMENTS
LINKS