Dalka Itoobiya oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Cudurka Coranavirus | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Itoobiya oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Cudurka Coranavirus
March 13, 2020 - Written by Editor:

Addis Ababa (WJN)— Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee cudurka ‘coronavirus in dalkeeda laga helay.

Mac-hadka caafimaadka guud ee dalka Itoobiya ayaa warkan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Takele Uma Banti, duqa caasimada Addis Ababa, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in muwaadin Jabaan ah uu yahay shaqsiga laga helay Covid 19.

“Waa inaan ka fogaano kulamada iyo xidhiidhada gacmaha,” ayuu duqa ku qoray Twitterkiisa.

Dhinaca kale, warkan ayaa ku soo beegmaya kadib markii isla maanta dalka Kenya uu ku dhawaaqay in kiiskii ugu horeeyay dalkiisa laga helay.

 

COMMENTS
LINKS