DAAWO;-Go,aamo Xasaasiya Oo Kasoo Baxay Shirkii Beelaha Habar Jeclo Iyo Gar-xajis . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Go,aamo Xasaasiya Oo Kasoo Baxay Shirkii Beelaha Habar Jeclo Iyo Gar-xajis .
March 18, 2020 - Written by Editor:

BURCO(W,N)-Shirkii labada beelood ee habar jeclo iyo garxajis uga socday magaalada burco ee samo talis kaasi oo socday mudo sedex cisho ah

Shirkan ayaa laga soo saaray qodobo xasaasiya kuwaasi oo xukumada madaxwayne biixi si gaara ugu socdda.

ü  Turxaan bixin iyo is laabxaadhasho

ü  Dhammaystirka nabada gobolka Sanaag

ü  Horumarinta deegaamadda ay labada Beelood wada degaan ,

ü  Xaalada guud ee Dalka

Gabogebaddii shirka waxa la isla gartay qodobada hoos ku qoran.

1)Madaama aynu nahay dad muslim ah diinteena suubanina inoo jidaysay waxkasta oo wanaag iyo maslaxadi ku jirto aakhiro iyo aduunba ayna tahay xalka dhibaato kasta oo haysata bulshadeena lagaga bixi karro,isla markaana distoorkeenuna uu ku salaysan-yahay waa in Xukuumaddu hirgelisaa ku dhaqanka sharaceeda islaamka.

2)Waxa heshiis iyo is afgarad buuxa laga gaadhay wixii tabashooyin jiray beelaha dhexdooda, waxaanay ku dhammaysteen walaalnimo iyo Isfahan.

3)In la dhammaystiro wixii ka hadhsan nabadda Gobolka Sanaag ,arrintaasna waxa loo xil saaray guddi ka kooban 21 xubnood oo isugu jira, Salaadiin, Cuqaal iyo waxgarad,

guddidaas oo aanay ku jirin ardaayaddii wax kale gaadheen .

4)Waxay labada beelood ay isla qateen in si wada jir ah wax looga qabto horumarinta deegaanada ay wada degaan , sidda, tacliinta,caafimaadka, waddooyinka iyo dhammaan-ba addeegyadda aasaasiga ah ,arrintan waxa loo magacaabay guddi guud oo ka kooban 25 xubnood .

5)Guddiyadda horumarinta ee heer gobol waxa kamid noqonaya beelaha kale ee deegaanka ah.

6)Si loo xaqiijiyo loona taabageliyo go’aamaddan Taariikhiga ah ee ka soo baxay shirkan waxa loo xil saaray guddiyadda labada beelood ah iyo hoggaanka dhaqanka.

Waxa kale oo ay labada beelood war-murtiyeed ka soo saareen xaaladda guud ee dalka iyo duruufaha ku xeeran,

1.Waa in lawada ilaaliyo Qaranimadda iyo midnimada Somaliland

2.Golayaasha Qaranku waa in aanay ansixin xeerkasta oo ka hor imanaya shareecadda islaamka .

3.Shirku wuxuu ugu baaqayaa Golaha Guurtida inuu ansixiyo Guddidii Culimadda ee distuuriga ahayd .

4.Shirku wuxuu si buuxda u taageerayaa go’aankii ay wada qateen Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka ee ahaa in sanadkan gudihiisa 2020 la qabto doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaanka.

5.Shirku wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda inay fuliso heshiiskii ay la gashay Khaatumo

6.Waxa kale oo uu shirku ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay si caddaalad iyo sinaan ah u qaybiso xilalka Dowliga ah iyo Mashaariicda horumarineed.

7.Si loo waajaho isbadeladda ka socda geeska iyo arrimaha masiiriga ah,waxaanu shirku ku talinayaa in Xukuumaddu wadda tashi mug leh ay kale yeelato,Golayaasha Qaranka, Axsaabta iyo qaybaha kale ee bulshadda, iyadoo la ilaalinayo dastuurka qaranka lana dhawrayo madaxbannaanida iyo midnimadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

8.Xanuunka caalamka ka dilaacay ee (Coronavirus ), shirku wuxuu ku talinayaa in illaahay la tala saarto , ducadda la badiyo taxadar Caafimaadna lagga qaato.

9.Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan-ba derisyadda nabad ku wadda noolaansho..

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS