Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Oo Tibaaxey In Ay Xogo-dheeraad Ah Ka Hayaan Dilkii Taliyaha Sirdoonka G. Sool Iyo Masuuliyad Darro Lagu Xidhiidhiyay Maamulka Gobolka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Oo Tibaaxey In Ay Xogo-dheeraad Ah Ka Hayaan Dilkii Taliyaha Sirdoonka G. Sool Iyo Masuuliyad Darro Lagu Xidhiidhiyay Maamulka Gobolka!
March 18, 2020 - Written by Editor:

Laascanood(WJN)-Kadib Markii Aas Qaran lagu Sagootiyay Marxuum Cabdiqani Guhaad Xasan Taliyihii Ciidanka Sirdoonka ee Gobolka Sool oo lagu Dilley Dil Mu,aamarad ah oo loogu Geystey Habeenimadii Salaasada ee Toddobaadkan Gudaha Magaalada Laascaanood Waxa  kasoo Qeyb galey Agaasimaha Ugu Sareeya Ha,adda Sirdoonka Qaranka,Gaashaanle Sare Cismaan-liimo iyo Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale, iyo Waliba Taliyaha Saldhiga Toddobaad ee Ciidamada Qaranka mahad Cambaashe, iyadoo Aaska Qaran ee Marxuumkan Loo Sameeyay si aad ah uga Duwanaa kii Masuulkii ka Horeeyay ee Gudoomiyaha Maxakmada Gobolka Sool, Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud,oo isaguna Toddobaad ka horeeyay Dilkan laguna Khaarajiyay Dil Qorsheysan oo Baabuurkiisa Loogu Xidhey Walxaha Qarxa.

Waxaanu Aaska Qaran ee Marxuumkan lagu Sagootiyay, ahaa mid Fiiro gaar ah leh islamarkaana, la Waafajiyay nidaamka Dawliga ah ee Waajibaadka ka Saaran Masuuliyiinta kala duduwan ee Xukuumada heer Qaran iyo Heer Gobol iyo Laamaha Amaanka Somaliland Marka Shil ama Geeri Nooceeda ahi timaado,Waxaana Talaabadan la Wadaagayay Xukuumada iyo Dhaqdhaqaaqeeda Dambe ee ku aadan Dilalka is Xigey ee Ka Dhacey Magaalada Laascaanood Dareenka Shacabka oo si aad ah uga jawaab celiyay Dilkan u Dambeeyay.

Agaasimaha ugu Sareeya Hay,ada Sirdoonka Qaranka Gaashaanle Sare Cismaan-Liimo oo si adag uga hadley Xabaasha Marxuumka ayaa Sheegay in ay ka jawaabayaan una Aarayaan Sarkaalkooda lagu diley Laascaanood laba habeen ka hor, Waxaanu Taliyuhu Carabka ku dhuftey in ay hayaan Xogo iyo Macluumaad la Xidhiidha Dilka Taliyaha oo ay si degdeg ah uga falcelin doonaan Ciidamada amaanka oo isku duuban.

«Waannu u Aari Doonaa, Waannu u Aari Doonaa, Waannu u Aari Doonaa, Anakoo isku dhan Ciidamada Amniga ah, Gacan kululbaa lagu Qaban dadka Waxaa ka Shaqeynayay, oo qaar baddan aanu wax ka hayno, Sawiro ha ahaato, ama Magac ha ahaato, ama Tilmaan kale ha ahaatee,»Sidaa Waxa yidhi Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Cismaan-Liimo, oo ka hadley Aaska Dushiisa.

Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Toddobaad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Gaashaanle/sare Mahad Cambaashe oo ka hadley, Aaska Marxuumka ayaa Sheegay, in uu Aaminsan Yahey in Lagu Guuleysan Doono in Gacanta lagu soo Dhigo Gacan ku dhiiglayaashii Dilka geystay isagoo ka hadlaya Waxa uu yidhi.

“Waxaan Aaminsanahay sida Qaranku u Shaqeeyay, ee Loo Shaqeeyay Awoodii Qaranku lahaa Hay,adihii Amniga Madaxweynihii, Wasiirka Arimaha Gudaha in sida ugu Dhaqsaha Baddan gacanta loogu soo dhigi Doono cidii ka dambeysay iyo Cida Dilkan fuliseyba”Ayuu Yidhi Taliye Cambaashe.

waxa isna ka hadlay aaska  Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle/sare Maxamuud Ducaale ayaa isaguna ka hadley, in aaney ka hadhi doonin Gacan-kudhiiglayaashii fuliyay Dilka Taliyaha, oo ay si ka duwan Hawlagaladii hore ku baadi doonayaan.

Dhinaca kale dhacdada dilkan, oo Saameyn iyo falanqeyn badan ku keenay Shacabka Gobolka Sool, ayaa Masuuliyad darro xoogan Dusha looga Saarey Taliska Qeybta Ciidamada Booliska Gobolka Sool, oo xasilinta iyo feejigada amaanka kaga Mashquuley, Baadigoobka Mukhaadaraadka, oo Taliyaha Qeybtu ku koobay Shaqada Ciidanka Booliska ee Gobolka Sool, iyadoo Dadweynaha Reer Sool si aad ah ula yaabeen sida aanu Taliyuhu xil iskaga Saarin falka Dilkii ka horeeyay Dilka Taliyaha Maanta La Aasey ee Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud oo baabuurkiisa loogu rakibay, Qarax aan noociisu hore uga dhicin Sool iyo Guud ahaanba Somaliland kaas, oo u muuqdey in uu ahaa Shirqool, si dheeraad ah looga shaqeeyay islamarkaana, Naxdin iyo aragagax ku keenay Shacabka iyo Maamulka Xukuumadaba nasiib,darose aan laga hawlgalin Aaskiisii Taasi oo aaney habayaraatee jirin in aanu Taliska Qeybtu wax xog ah ka haynin Qaabka loo Aasey Marxuumkaas iyo Wakhtiga la aasey iyo Waliba cidda ka shaqeysay in la aaso, iyadoo aaney Xog-ogaal u aheyn Shacabka iyo Qeybaha kala Duduwan ee Bulshada iyo Waliba Saraakiisha Maamulka heer Gobol ee Gobolka Sool iyo Waliba Ciidamada kala Duduwan ee Amaanka, inkastoo xogaha hadda la helay lagu sheegay in Qoyskiisu ka qaadey Maydka Marxuumkaas Cusbitaalka,Waxaanu Taliyaha Qeybtu shaley ka hadley Warbaahinta isagoo tacsiyaynaya Labada Marxuum islamarkaana, u muuqdey in uu iska Difaacayo dhaliilo loogu jeediyay dilka ka dhacey Gobolka.

Sikasta oo ay u dhaceen Falalka Dilkan Labada Masuul ee Dilkooda Wakhtiga Koobani u dhexeeyay islamarkaana, uu Shaley ka hadley Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadda u muuqda mid baadhistiisa loo waajahay si aad u xoogan, iyadoo Shacabka Reer Laascaanood, hadalhaynta Dilkan dambe ee Taliyihii Sirdoonka yeedhayeedhihiisa lagu Xidhiidhinayo, in uu ku Xidhiidhsan yahey baadhista iyo baadigoobka Dilkii Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh.

WAJAALENEWS DESK

LAASCANOOD OFFICE.

COMMENTS
LINKS