|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaynu Ku Jirnaa Xilli Ay Laba-Wajiilaynta Beesha Caalamku Marayso, Heerkii Ugu Xumaa..”Eng Xuseen Dayr.
February 23, 2020 - Written by Editor:Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku xaq-darro cad iyo eex aan gabasho lahayn ka galayaan QARAN GUULAYSTAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag, taasoo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku sifowday 29-kii sano ee ugu dambeeyey!! Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku is diidsiinayaan oo ay INDHAHA KA LALINAYAAN RABITAANKA IYO XAQA AAYA-KA-TASHIGA ummadda JSL, iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan Qaran Madax-bannaan oo ka mid ah Bulshada Caalamka. Waxaynu ku jirnaa Xiilli la isku abaal-marinayaa Dawlad Xumada, Xasuuqa, ku Xad-gudubka Xuquuqda Aaadamaha, Colaadaha iyo Musu-maasuqa xad-dhaafka ah taasoo ah astaamaha lagu garto Qaramada Guul-darraystay. Markaa la soco waxa la inala rabaa in Dalkeenu noqdo Qaran Guul-darraystay!! Sidaa darteed, UMMAD YAHAY HA ILOOBIN Ahaanshaha Ummadnimaada iyo Xilligii adkaa ee Shalay ku soo maray!! HA ILOOBIN wixii aad Naf iyo Maalba u hurtay si aad u Xaqiijiso QARANKAA HIR-GALAY ee maanta la wada hadhsanayo. HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND. Qalinkii; Eng Xuseen Aadan Cige Dayr. Related posts:“Dedaalka Ay Muujiyeen Shaqaallaha Wasaaradda Maaliyadda Ee Gobolka Awdal”. W/Q: Warda Cabdiraxman G... Sucuudiga Oo Ka Hadlay Warar Been Abuur Ah Oo Sheegaya In Qabrigii Nebi Muxamed NNKH Dib Loo Soo Faq... “Ilaa Hadda Anigu Ma Garanayo Waxa Uu Dhimay Wasiirul Dawluhu Cid Ii Sheegtana Ma Hayo Ee Ma Sir Buu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|