“Waxaan Madaxweynaha ku Bogaadinaya Furista Xisbiyada Iyo u Quus-goynta Maamulka Farmaajo”.Gud. Xisbiga Kulmiye Ee Canada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Madaxweynaha ku Bogaadinaya Furista Xisbiyada Iyo u Quus-goynta Maamulka Farmaajo”.Gud. Xisbiga Kulmiye Ee Canada.
February 18, 2020 - Written by Editor:

Toronto(W,N)-“.Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan shacabka reer Soomaaliland gaar ahaan Madaxweynaha jamhuuriyadda S/land Mudane Muuse bixi Cabdi qudbadii uu ka jeediyey labada gole maanta ee taariikhda gashay,  taasoo madmadowgii ka saartay humaagii maalmihii ina soo dhaafay laysla dhex marayey,  waxay ahayd qudbad taariikhiya oo ka hadleysay horumarka iyo marxaladaha Guud ee dalka.

Waxaana soo dhaweynayaa sida uu ugu quus gooyey cid kasta oo aaminsan in dib loola midoobo maamulka koonfurta Soomaaliya ee looga taliyo Villa Wardhiigleey.

Waxaan kaloo Madaxweynaha ku bogaadinayaa ku dhawaaqida Axsaabta siyaasada taasoo soo afjari doonta ila meereysadii Xisbiyada mucaaridka, waxaana arintaa soo dhaweeyey dhamaan dadweynaha reer Soomaaliland ee ku nool gobolada M/Jeex,Saaxil,Awdal,Sanaag,

Togdheer,iyo gobolka Sool.

Waxaan shacabka reer Soomaaliland iyo xukuumadooda u rajeynayaa

Midnimo iyo isku duubni.

Wa bilaahi towfiiq.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada Shucayb Cabdilahi Xuseen.

COMMENTS
LINKS