Wafti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Soo Gaadhay Casimada Hargaysa Iyo Kulan Albaabadu Uxidhan Yihiin Oo Ay La Leeyihiin Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Soo Gaadhay Casimada Hargaysa Iyo Kulan Albaabadu Uxidhan Yihiin Oo Ay La Leeyihiin Madaxwayne Biixi.
February 19, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Wafti balaadhan oo ka socda dawlada fadaraalka itoobiya ayaa maanta soo gaadhay caasimada hargaysa kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay madaarka cigaal,

Waftigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka wasaarada maaliyada Axmed Shide ,wasiirul dawlaha wasaarada arimaha arimaha dibada iyo masuuliyiin kale .

Ujeedada waftiga ka socda dalka itoobiya ayaa lagu sheegay in tahay ugogol xaadhka wafti uu raysal wasaare abiy  korkacayo oo dhawaan la filayo in ay hargaysa soo gaadhaan

Sidoo kale xogaha laga helay safarka waftiga ka socda itoobiya  ayaa tibaaxaya in ay daba socoto Safarkii madaxwaynaha Somaliland ku tagay itoobiya islamarkaana uu martiqaad  ugu fidiyay raysal wasaaraha itoobiya iyo madaxwaynaha somaliya in ay hargaysa yimaadaan balse wararku sheegeen in wakhtigan madaxwayne biixi ka noqday martiqaadkaa kacdoon kaga shacabka awgii, wallow aan la sheegay xaqiiqada rasmiga ee keentay in madaxwayne biixi ka laabto marti qaad uu bixiyay.

Waftigan ka socda dalka itoobiya ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kulan kula leh madaxwayne biixi kaasi oo alaabadu uxidhan yihiin islamarkaana laga hor joogsaday wasiiro xukuumada ka tirsan oo isku dayay in ay galaan qasriga madaxtooyada .

Wixii faah faahin ee kasoo kordha waftiga ka socda iyo itoobiya iyp arimaha ay wada hadleen madaxwayne biixi kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS