|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheekh Shaakir Oo Kasoo Horjeestay Doorashadii Lagu Doortay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudug.
February 4, 2020 - Written by Editor:GALMUDUG(W,N)- War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug garabka uu hoggaamiyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in ay aqoonsaneyn Doorashadii ka dhacday Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, 02/2/2020. Waxay ku sheegeen warsaxaafadeedka in aanu jirin wax wada hadal ah oo ay kula jiraan dowladda federalka Soomaaliya si ay uga tanaasulaan mowqifkooda ay ku diidan yihiin doorashada lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay sidoo kale kaga hadleen khilaafka waxbarashada ee dowladda federalka iyo Puntland, iyagoo ku baaqay in aan la siyaasadayn masiirka ardayda. Halkan Ka Akhriso War-saxafadeedkan Oo Faah Faahsan;. Related posts:Madaxweynaha Soomaaliya oo Shuruud ku xiray ka qeybgalka munaasibada madaxbanaanida K.Sudan:Ama Soma... Shacabka Magaalada Burco Oo Caawa Iskugu Soo Baxay Banaan Bax Ay Ku Taageerayaan Heshiiskii Somalila... DAAWO;-Shirkii Deegaanka Ceel Bardaale Oo Lasoo Gabo Gabeeyay Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|