|
|||||
WAJAALE NEWS
Rabshado ka Dhacay Dalka Itoobiya Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashay.
February 24, 2020 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Weerar bambaano oo lagu qaaday isku soo bax lagu taageerayo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof Axadii shalay. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa. Arasa Merdasa, oo ah sarkaalka ugu sareeya booliiska gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, oo ah halka ay ku taallo Ambo uu ku sugan yahay, ayaa dhacdadaan u sheegay wakaaladda wararka ee Itoobiya. Booliska waxaay xidheen lix qof oo looga shakisan yahay weerarka. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kama uu soo xaadirin dibad-baxdii Axadda, oo ay soo agaasimeen mas’uuliyiinta Ambo ah. Xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa su’aal ka keenay in doorashooyinka August noqon doonaan kuwo nabad ah oo la isku halleyn karo, xilli ay rabshado qowmiyadeed oo isdaba joog ah dhacayaan tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Aby Ahmed sannadkii 2018. https://youtu.be/2O1b7EW3RUc Related posts:PROF Cabdi Cali Jaamac oo kamida Shaqsiyaadka Loo Saadilanayo In Loo Magacaabo Wasiirka Wasaarada Wa... Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inay Dalka Soo Gaadheen Agabkii Diwaan galinta Madaniga... DAAWO-Shirkadaha Jaadka Oo Saaka Xoog Ku Galiyay Gudaha Magaalada Iyo Maayar Muraad Oo Hanjabaad Cul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|