Madaxweynihii Ugu Mudada Dheeraa Kenya oo Ku Geeriyooday Da’da 95 Jir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Ugu Mudada Dheeraa Kenya oo Ku Geeriyooday Da’da 95 Jir
February 4, 2020 - Written by Editor:

Nairobi (WJN) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saqdii dhexe ee xalay uu geeriyoodey Madaxweynihii hore ee dalka kenya Danial Arab Moi.

Madaxweynaha ayaa bilihii ugu danbeeyayba la sheegay in uu xanuunsanaa kuna jirey Isbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo lagu daweeynaayey ,ugu dambeena uu xalay geeriyoodey.

Madaxweynihii Ugu Mudada Dheeraa Kenya Oo Ku Geeriyooday Da’da 95 Jir

Waxaa uu ku dhintay da’da 95 sano jir, isaga oo dalkaasi soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

COMMENTS
LINKS