Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub!
February 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).

https://youtu.be/qmRaxmDqGSk

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS