|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO.
February 22, 2020 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO. Hoggaanka dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey sanduuqa dhallinyada ee uu Aas-aasay iyo sida uu mar walba ugu hagar baxo dhallinyarada dalka, xilka weynna isaga saaro inay da’yartu hoggaanka dalka qayb ka noqdaan. Madaxweynaha, ayaa dhinaciisa hoggaanka cusub ee dallada SONYO kula dardaarmay inay dardargeliyaan xilka culus ee loo igmaday, una guntadaan sidii guud ahaanba dhallinyarada Somaliland ay ugu hilaadin lahaayeen hir cusub oo barwaaqo leh. Wa-bilaahi Tawfiiq
Related posts:DAAWO; “Qolada komishanku Nasiib Daro Ma Garanayaa Masuuliyadooda, In Ay Yihiin Haayada Ugu Saraysa ... Daawo:Nuxurka Khudbad Gudoomiye Ciro U Jeediyay Jaaliyada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Norwey DAAWO; Wixii kala Qabsaday ;fariintii Xildhibaan Siciid Cilmi Ee Reer Saaxil firka Naxii Wasiir Cab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|