Madaxwayne Biixi Iyo Farmaajo Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Adis Ababa Iyo Xogaha Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Iyo Farmaajo Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Adis Ababa Iyo Xogaha Laga Helayo!
February 11, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)- Madaxwaynaha jamhuuriyada somalland Muuse Biixi iyo madaxwaynaha Somaliland farmaajo ayaa Galabta kulan albaabadu uxidh yihiin  ku yeeshay magaalo madaxda dalka itoobiya oo labada masuulba ku sugan Yihiin.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa raysal wasaaraha itoobiya Abey Axmed

Xogaha laga helayo kulanka madaxwayne muuse biixi iyo farmaajo ayaa tibaaxaya in ay ka wada hadleen qodobo dhowr kuwaasi oo salka ku haya sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii udhexeeyay labada dhinac oo mudo istaagay

Sidoo kale wararka dheeraada ah ee laga helayo  kulan madaxwaynayaasha somalilandiyo somaliya ayaa intaa ku daray in diirada lag saaray sidii loo joojin lahaa hadalada qalafsan ee ay hawada isku mariyaan iyo weerada dhinaca deeqaha ee ay somaliya ku hayso Somaliland

Dhanka kale kulan oo raysalwasaare abbey laha suurta galkiisa ayaa sida ay diblamaasiyiin ku sugan magaalada adis ababa laga helaya waxaa lagaga wada hadlay  isbahaysiga bada cas oo dawlada itoobiya aad udanayso kaasi oo kaasi oo ay itoobiya ku doonayso in yeelato ciidamo badeed oo ilaaliya marinka bada cas iyo halkii ay saldhig ka dhig lahaayeen

HALKAN  KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS