Maamulka Degmada Tog Wajaale Iyo Gudida Ganacsatada Oo Lasoo Afjaray Khilaaf Dhawaan Soo Kala Dhexgalay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Degmada Tog Wajaale Iyo Gudida Ganacsatada Oo Lasoo Afjaray Khilaaf Dhawaan Soo Kala Dhexgalay!
February 20, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Maamulka Degmada Tog wajaale Ee gobolka gabiley iyo gudida ganacstada wajaale Oo dhawaan isku maan dhaafay murankii ka tagaan dhulka xabaalaha magaalada oo wasaaradi doonaysay in ay dhisato balse khilaafka iyo kacdoono ka dhashay Oo sobobay in la xidh xidho qaarkamid ah  masuuliyiinta gudida ganacsatada,Ka Dib markii ay xukuumadu soo dhex gashay lasii daayay xubnihii xidhnaa  islamarkaana dhulkii xabaalaha lagu daayay sidiisii hore.

Hadaba maamulka degmada tog wajaale iyo gudida ganacstada oo ku kala fogaaday khilaafkaasi ayaa habeenkii xalay ahaa iska laab xaadhay xurguftaasi soo kala dhexgashay taasi kulan ay wada yeesheen lagu soo afjaray khilaafkoodii islamarkaana ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka degmada si wada jir ah bulshada ku dhaqan.

Kulankan lagu soo afjaray khilaafkii maamulka wajaale iyo gudida ganacsatada soo kala dhex galay ayaa ahaa  mid aan warbaahinta loo golayn balse xogaha laga helayo xubnaha isku xil qaamay isku soo dhawaynta labada dhinac ayaa sheegay in ay yihiin masuuliyiin xilal kasoo qabtay xukuumadii axmed siilaanyo iyo odayaal kamid  ah ganacstada magaalada kuwaasi oo door muhiim ah ka qaatay soo afjirada khilaafkii magaalada wajaale ka istaadhmay.

Sidoo kale xogaha laga helayo kulanka lagu soo afjaray khilaafkii gudida ganacstada iyo maamulka wajaale ayaa tibaaxay in isku soo dhawaynta labada dhinac uu door laxaadle ka qaatay Wasiirkii hore Ee Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka gabiley ee sida dhow xogogaalka ugu ah xaalada gobolka gaar ahaan Degmada Tog Wajaale, kaasi oo isagu si muwaadinnimo leh iskugu xil qaamay dejinta iyo xal uhelida arimaha kasoo kordha gobolka  Iyo degmada tog wajaale oo ah magaalo ganacsiyeed ku taala xuduuda Somaliland iyo itoobiya una baahan in si gaar ah loo ilaaliyo.

Qaarkamid shacabka ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa soo dhaweeyay soo afjarida khilaafkii gudida ganacsatada iyo odoyaasha magaalada iyo maamulka degmada tog wajaale oo ay sheegen in tahay mid lagu diirsato si looga wada shaqeeyo horumarka degmada iyo wadajirka shacakeeda

Shacabka reer wajaale ayaa bogaadiyay cidkasta oo ka shaqaysay soo afjarida khilaafkii ka isgaadhmay degmada tog wajaale.

TOG WAJAALE OFFICE

WAJAALENEWS DESK.

WARIYE CABDIQAADIR A, HABANE

 

COMMENTS
LINKS