|
|||||
WAJAALE NEWS
Maalinta Dhagax Tuurku Waa Dhamacdii Hurisay Halganka Geesiyada SNM Ee Somaliland Ka Xoreeyey Daalinkii Siyaad Barre Iyo Huwantii!
February 20, 2020 - Written by Editor:Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa, dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,aan Allaha awoodda leh weydiisanayaa ,inuu inaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana. 20 February,oo aynu sannad walbba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre, waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ,ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii.Waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin innaga mudan in la xuso ,waa maalin innaga mudan in la xasuusto ,waa maalin innaga mudan in taariikhdeeda la qoro,waa maalin innaga mudan in Iskuulada lagu dhigto. Haddii waqtigu ii saamaxo,Allaha awooda lihina Nafta igu simo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii halkaa ka dhacday.Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii Maxakamadda la keenay Macallimiintii, Dhakhaatiirtii,Aqoonayahanadii ee dhallinyaradii UFO,ee xaq darrada lagu soo xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa iyo xaaladda murugada leh ee uu ku sugnaa waqtigaa, xaqiiqadiina ahayd arrin aad looga damqado,laga gil gisho,lagana murugoodo. Waxay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFO , ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga qarsan karin,ee bulshada laga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee nolosha Baniaadamku u baah nayd … Daawo aad u doonato daayoo, nadaafad darrada, tayo xumada,urta & dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay nafiba kuu gabateen, haddii aad waqtigaa Hargeysa ku noolaan lahayd. Dhacdada Dhagax Tuurka ee 20 February,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,qaacuna cirka isku shareeray,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey . Jaha wareerkaa iyo niyad jabkii maalintaa ku dhacay Daalimiintii Ciidankii Siyaad Barre, waxay naf la caaridkii miciin moodeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon guryaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana maalintii Ciidamadii keligii Taliyihii Afweyne Barre ,Umulo dooxii,Dhiigyo cabkii,Basaasiintiisii, iyo Damiir lawaya ashiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaastoodii !!!. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii iyo dhammaan intiii ku shahiiday maalintii Dhagax Tuurka,waxaanan ilahaay uga bary ayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.Waxaan tacsi gaar ah u dir ayaa, qoyskii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aqoon badan isku lahayn ,kana mid ah aa ardaydii Dhagax Tuurka , ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiigyo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba. Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna mitida inaad adkaysaan Nabad gelyada iyo Qaranimada Somaliland ee aynu naf iyo maalbba ku bixinnay. 20 February, oo aynu sannad walba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre, waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ,ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii.Waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin innaga mudan in la xuso ,waa maalin innaga mudan in la xasuusto ,waa maalin innaga mudan in taariikhdeeda la qoro,waa maalin innaga mudan in Iskuulada lagu dhigto. Waxaan idinku dhaafayaa , Maansadii Taarikhiga ahayd, ee magaceedu ahaa Hambabber ama Hargeysi ma toostay,ee 1982 uu tiriyey Abwaanka weyn ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi ), kuna sahabsanayd dhacdada Dhagax Tuurka: Habeenada weysha Dhurwaa habarteeda Dorraad ku hiraabtay Haan-haabadka naaska Haaneed ka deyeysa ******** Nirgaa hugun yuuska Halkii lagu ooday Hammuunta ka yaw leh Riyaa hoganaaya Idaa tuban heelka Cadceedda hagoogtey Haleelada weydda Dhaqaaq hidin waaga Hareeriga taagan Dantaa ku habsiisey Inay hakadaane ******** Dhulkoo hanad joogo Intaan gadadh heerin Ka sii degin heerka Hadeer la yaqaano ******** Intaan habqan beeshu Huluulaha oodan Ku saan go’in hawdka Intaan habac jiitan Badhkeed ku hallaabin Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbaysan Intaan hawa boodka Fardaa higil raacay Kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin Xayeeshku habaabin Intaan halladaadka Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay Sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda Anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda Durbaankiyo heesta Ku soo hoga geyne Adaa hal abuurka Tixraaca ha’leyda Ujeeddada hoose Hawaala yaqaane Haruu orod Faarax Horweynta jiciirtay Hadhaaga u jooji ******** Haydaartiyo doogta Hantaaqada ciilka Dareenka huqdiisa Qamuunyada haarta Caloosha hugmaysa Hiirtaanyada raagtey Dhinbiisha hulaaqday Dabkaan hurin doono Colkaan humin doono ******** Hargaa igu laalan Dhowaan henggel baasta Ninkaan huwin doono Sabaanka hagaagey Barwaaqada hoortay Daruur iyo heego Waxaa hogol gaaxsan Hadhaysay dushayda Harooyinka buuxa Hoobaanta bislaatay Haraaciga daadka Caleenta hiraysa Indhaa halacdooda Hibaaqiyo laaca Naftayda hankeeda Waxay hibanayso Haddii wedku daayo Inay heli doonto Anaa huba taase ******** Hambaaber dhowaanta Dareen ma hurdaana Dagaal wata heeso Hidday u lahayde Hargeysi ma toostay Hogaanka ma diiday Harqoodka ma tuurtay Inaanay hummaaga Hadoodilan yeelin Sidii hebel geel ah Heshii Nebi Saalax Horaadada dhiibin Hankeedu ma siiyey. Waxay hibanayso Ninkay la hadlayso Hagaag ma u sheegtay Hadday sama weydo Inay hantideeda Nafteeda hurayso Hubaal ma caddaysay ******** Allaylehe waa hog Shax aan la hilmaanin Malaa Hugur tiisa Waxaabu u haystey Inaan hayal toosan Harraatii aqoonne Maskii Hilqadaale Ma soo hardaf boodey ******** Horaanse u sheegay Inaan hadda beeshu Hadhiimo ahayne Haddeer waxa jooga Hadmaan ka afeeftay Hasaasaha muuqda Wallee hagar daamo Falkaagu habeensay Higlooy gabbalkaa dhac Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle Hayaayub xumaanta Humbaalle dhaqaaqa Hallaallimo soofka Hallaasiga sheelka Harawsiga qaawan Hiliiliqa jeexa Higiishis boqoolka Galbeed hiyi raaca Maraykan ku hiilka Shirqool la hadaafka Habheeb alalaaska Hinraag qayayaabka Haraaryada neefta Hantaatac ergeynta Hagaas caga jiidka ******** Walaaac haghagoodka Tawaawac higgoodka Hamuun taltalawga Calaacal hungowga Heshiis macaluulka Hunfey salsalaaxa Hinfaal wax u sheegga Wasiiro habaynta Hoggaanno samaynta ******** Hadhuubada daatay Hareero ka leefka Jalbeebta hal leyda Rogaal halalleyda Hamaal shaqalkeeda Higgaadda shanlleyda Halkaan ka abbaaray Hadhauudhku Carraale Huftoo hufmi waaye Maxaad kala haadin? Intaas haqab beelka Hadhoodho horteed dheh Hal baase xasuus ah Nin tiisa u heellan Haddaan taladayda Hayaankiyo beesha Hoggaami idhaahdo In taydi haallawday Annaa huba taase Hadhow iyo fullan Waxaanan huraynin Inaan hadda yeelo Ayaa ka hagaagsan Qabiil ku hadaaqa Hobsheyntiyo faanka Masayrkiyo haybta Hinaase la boodka Holayntiyo maagga Hirrooda qab dhaafka Tollaay hebel meeyey Sidii horror waalan Hilbaa igu yaalla Halgaad kula duulka Colaad hurgumootey U sii hangagaarka Heleysada dhiiggu ******** Markuu heleleyda Sidii harawaati Hamuun tiro ciidda Dagaal lagu hoobtay Halyey ku idlaaday Ka soo hindiwaaska Tabaalada huursan Hangoollada qaybta Fulaa halistiisa U sii gacan haadsho Halkay godobtaydu Ka soo hullanayso Ninkay huntutuulka Ku soo hullaanayso Inaan dib u haybsho Hillaabta ka qaado Ayaa ka hagaagsan ******** Shirqool hadiwaaga Hiqlaynta riyaaqa Hubsiino la’aanta Haloosiga luuqda Hawaawi la boodka Hanuun la jibboodka Dhurwaa halab saarka Waraabe u heeska Hufnaanta kashayda Nin aan hibo saaray Xariir ku habsiiyey Markuu hal haleelka Sidii hurin yey ah U soo hal haliilo Anoo hadhsan waayey I soo hungureeyo Inaan hanqalkayga Sidii habla weynta U soo rogo hoosta Inaan af-lahaarka Harraati ku diido Ayaa ka hagaagsan ******** Hanraawe I boobay Markuu iga haago Inuu hadhadaydu Hafeefta xanuunka ******** Markay hurgumooto Hoosaaso afuufo Halbawlaha kayga Sidaas kula hoydo Nin haad I cunsiiyey Inaan horror siiyo Ayaa ka hagaagsan Hawraar iyo sheeko Haween laga reebay Beraa habar guurtey Hayaan rarygeeda Culaab iyo haamo Waxay hilif saartay Haldhaa kici waayey Hiyeeda gadh jiidka Markuu hollan waayey Ayey hindiskeeda Halaanhal ku keentay Midaan kolkaa haabka Markaa lagu haynin ******** Waxay tidhi “Hoogey Hayaay Cabdi-Qaadir Hareer qabo awrka” Markuu hayinkeedu Hagaag isu taagey Ayey tidhi ” haakah” Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda Malaa u han weynna Karaamadan hiirta Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi “hooyo Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta”? ********
Waxay tidhi “heedhe Hibooy ratigeennu Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin Ma soo hadal qaado” Ujeediyo haatan Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey Inuu hantidayda Habaynta xilkayga Dhismaa hodankayga Hiddaa sharafkayga Waxaan nolol haysto Horsed ka ahaado Ka haayir idhaahdo Ayaa ka hagaagsan ******** Hashayda nin maalay Markuu hordhaceeda Habniin kaga daalo Inaan hanbadiisa Hafriinyaha beenta Habeedda qalaysan Ku hoorsado weelka Gobaad ka hillaabto Inaan ku hagoogto Ayaa ka hagaagsan Anoo qaba hawsha Habeen iyo maalin Intaas sida heeryo Habaaska I fuushan Inaan ku hungoobo Hulleeka madhnaanta Hamaansiga quusta Hamuun la carrawga Heshiis ku ahaado Naftayda ka hiisho Hugaas doqonniino Hurrow nin I saaray Inaanan u hoogin Calaacal harraaddan Xaqayga ku haybsho Ayaa ka hagaagsan ********
Habkii xidinxiidka Dugaag huwantiisa Horyaal ka ahaaye Markii hankakoobka La soo helay guusha Libtii lala hoydey Tukaa yidhi “hoy day Hashaan qalay saami Hagaagna u qaybi Hadhowna I toosi” Tukow hayedaadu Waxbay huwanayde Dantiisa ka haybi Qorshii hiyigiisa Halkay talo joogtay Ka sii wadey hawsha Ninkiina hilmaanyey Saqdii dhexe hawda Ninkii hurdey toosyey Hareeraha eegyey Raqdii ku hungowyey Hanqaar warwareegga Hankaag jaljaleeca Haqdii samri waayey Tukii hanfariirka Waldeys kula haadyey Gar laysu hankaabsey Hamuun gorayaale Ninkii Halac-dheere Wuxuu yidhi “hoy war Intaan hana qaaday Hadeer iyo caawa Haddee weligayba Inaanan hanbaynin Horaad u ogayde Maxaad igu hiifi” ? ******** Ninkayse ka hoostay Mar bay hawireene Ka soo kabey haarta Bahaysiga haadda Hilbaa cuniddooda Habeen gama’iisa Inaanu haweysan Ayuu han fogaanta Halkii kaga dhaartay ******** Ujeeddiyo haatan Rag waa hal adayge Heddeyda wedkeyga Inaan habalyeeyo Tubaa halaq yaalka Hog laygu qaniiney Ku sii hiradkiisa Ka haari agtiisa Ayaa ka hagaagsan Haddaanan haddaanan Haddaanan dhawaaqa Hireyda wireyda Hayaay ka kacayda Jahaadka Hargaysa Barbaartu hagayso Haweenka godoodey Ka qayb gelin hawsha ******** Haddaanan haddaanan Intii isku hiila Hargaysiyo Bayla Intii la hal maasha Bakool hilinkeeda Heeraarta Kismaanyo Ilaa Hobyo geynin Hiiraan u tallaabin Runtay la hudmeene Haddaanan haddaanan Sidii hanqar yeedha Hillaac iyo maayad Dhulkoo dhan hadhaynin Banaadir ka heesin Wixii hurda toosin Halyeyada ciilka Ka haajirey ciidda Halkay talo joogto U sii farin haadda ******** Haddaanan haddaanan Waxaan huro caawa Dhammaan huga xaaska Hayla maryahayga Sariirta hanbaadha Kuraasta hagoogan Ashuunka hunbuuca ******** Haraaq iyo haadyo Waxaan jaqaf haysto Haddaanan xaraashin Waxay hanti goyso Intaan hub u siiyo Dadkayga habaynin Dagaal u hormaynin La soo hadhin guusha Hawraartiyo luuqdu Cabdow hadalkaygu Hawaawi kac weeye Ninkii hebel miihi. ******** QALINKII; Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan) Senior Certified Network Specialis | CNA | CCNA | CNSA | MCP | A+ | 20 February,2020
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|