“Ma jirto Meel Ay Ku Qoran Tahay In Wadanka Hal- Qoomiyad Oo Kaliya Siyaasi U Tahay”Madaxwayne Mustafe Cagjar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma jirto Meel Ay Ku Qoran Tahay In Wadanka Hal- Qoomiyad Oo Kaliya Siyaasi U Tahay”Madaxwayne Mustafe Cagjar.
February 3, 2020 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N)- Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar(Mustafe Cagjar) ayaa sheegay in wadanka ismaamulka somalida aanu ahayn mid qoomiyad kali ahi siyaasadiisa jaan goyso balse uu yahay dal lawada leeyahay oo u baahan in taladiisa lagu go,aamiyo miis loo dhan yahay.

Sidoo kale madaxwayne Cagjar ayaa dadka figradaa aaminsan udiray fariin isagoo sheegay in wakhtigaasi lasoo dhaafay kaasi oo laga dhaxlay in ay sobobtay in shacabka lagu laayo fikirada noocaas ahi

Madaxwayne mustafe cagjar ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Ma jirto meel Ay ku qoran tahay in wadanka hal- qawmiyad oo kaliya siyaasi u tahay! kaligeed-na ay tahay waar-diyeeyaha dalka, ugana damqasho badan tahay dhammaan qawmiyadaha kale ee dalka!

Taasi Waa falsafadii 28kii sano lasoo dhaafay Dadkeena loogu gaystay, Dil, Boob, iyo Xabsi. Waxaa la jooga waqtigii Miis loo dhanyahay wadanka loogu talin lahaa! P.P Waa masiir loo dhan yahay kana madhan Sumad Qabiil iyo Qaybsanaan .

MADAXWAYNE MUSTAFE MUXUMED CUMAR (MUSTAFE CAGJAR

 

COMMENTS
LINKS