Heshiisyada Ku Wajahan Kahadalka Doorashada Somaliland, Go,Aan Kastaaba Wuxuu Hordhac U Yahey Caqabad Kale! Faallo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiisyada Ku Wajahan Kahadalka Doorashada Somaliland, Go,Aan Kastaaba Wuxuu Hordhac U Yahey Caqabad Kale! Faallo.
February 28, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xiisada Khilaafka Doorashooyinka Somaliland Iyo Muranka Siyaasiga ah ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah oo muddo laba Sanadood iyo maalmo ah soo jiitamay ayey Shacabka Somaliland Niyad Jab weyn ka Muujiyay kadib markii Ay midha-dhal Noqon waayeen kulano,dhexdhexaadineed oo Indhawaale marar baddan lagaga Arinsadey Muranka Xudunta Khilaafkaasi taas oo mar walba dib-udhac ku keentay Doorashooyinkii la filayay ee balanqaadka Madaxweyne Biixi ku Balanqaadey in ay dalka ka qabsoomi doonaan badhtamaha Sanadii lasoo dhaafey ee 2019kii,haseyeeshee, marba marka ka Dambeysa qoddob waliba qodobka kale ee jawaabta u ah ku Riixayay mid kor usii qaada Khilaafka ka taagan Doorashooyinka Somaliland iyo sida ay u qabsoomi .lahaayeen.

Haddaba hadalhaynta Shacabka Somaliland guud ahaanba dal iyo dibadba waxa habeenkii xaley ahaa siweyn loo faaqidey heshiiskii u dambeeyay ee 27/02/2020 khamiistii shaley oo qoddobada lagu heshiiyay sida muuqata ay wali qeyb ka yihiin qaar kamid ah caqabadii hore ee Muranka sababta u ahaa Tusaale ahaan Cabdirashiid-Riyo-Raac iyo Komishankiisa oo lagu Xusey nuxurka heshiiska Qoddobada in aaney Doorashooyinka wax shaqo ah ku laheyn laakiin, ay joogayaan Xafiiska Komishanka Guud ee Qaranka.

Wey jirtaa in dad baddan oo kamid ah Shacabka Somaliland ay Isweydiinayaan Wakhti xaadirkan Waa Maxey Sababta Xiliga Xukumadan Madaxweyne Muuse Biixi Arimaha Doorashada iyo Muranka Siyaasiga Xisbiyada ka dhigay mid u muuqda Heshiisyadii Israa,iil iyo Flastiin ee Qodoba qodobka kale kasii Adkaa Marka Kulanka La Isugu Yimaado?

Waxa kale oo jirra in Shacabku isweydiinayo haddii Doorashooyinka Somaliland uu muranka damacsan yahey in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi kusoo Afjarayo Sidee Buu Doonayaa In Talada Dalku Gacantiisa Ugu Jirto?

Waxa kale oo aqoonyahanka badhkii tuhusan yahey arimaha Doorashada Somaliland malaga yaabaa in ay wakhtigan faragalin kusoo beegeen qaar kamid ah Dalalka dariska ah oo aaney Doorashooyinka noocan ahi ka qabsoomin dalkooda haba ugu tuhun badnaato Dawllada Jabuuti oo Madaxweynaha Aad loogu Tuhunsan Yahey.

Sikastaba ha Ahaatee,  Waxaan Hadda muran ka joogin mar Haddii Shaley lagu heshiiyay in Xubnihii Komishankii hore ay Qabanayaan Doorashada hawsheeda oo dhan Waa maxey Sababta Cabdi-rashiid Riyo-raac u sheeganayaa Komishan Qaran? Waa su,aasha ay dad badani isweydiinayaan iyagoo ku leh miyuu iska casilo mar haddaanu habayaaraatee Wax hawl ah ku laheyn Shaqadda Doorashada iyo komishanka.

WAJAALENEWS DESK

FAALLADA WAJAALENEWS.NET

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS