Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Tog Wajaale Oo Ka Dareen Celiyay Khudbadii Madaxwayne Biixi Iyo fariinta Uu Shacabka Udiray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Tog Wajaale Oo Ka Dareen Celiyay Khudbadii Madaxwayne Biixi Iyo fariinta Uu Shacabka Udiray.
February 18, 2020 - Written by Editor:

UK(W,N)-Gudoomiyihii hore ee degmada tog wajaale Eng Aadan Cilmi (Aadan shiine) oo ku sugan dalka ingiriiska ayaa Madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyay khudbadii taariikhiga ahayd ee uu saaka ka horjeediyay Baarlamankaa Somaliland. Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi.

Waxaan Halkan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland muuse biixi cabdi oo runtii shacabka ujeediyay khudbad taariikhiya waxaan leeyahay Madaxwayne Biixi looga baqan maayo somaliland in uu guul gaadhsiiyo mooyee guul daro, farmaajo iyo qarkiina kuma qasbi karaan wax masiirka somaaliland dhaawacaya,

Madaxweynuhu wuxuu Qaranka u wadaa wadadii saxda ahayd ee loo doortay, wanan ku garab taaganahay, waxanan leeyahay hore u soco Madaxweyne.

Madaxweyne Muuse Biixi looga biqi-maayo qadiyada Somaliland, Waayo?. Sodon jir ayuu ugu dagaalamay, markaa maanta looga baqan maayo, sidaas daraadeed, waxan aad usoo dhoweynayaa Furista ururada Siyaasadda ee Madaxweynuhuu ka sheegay labada gole, si loo gaadho doorashooyin xor ah oo xalaala.

Madaxwayne halkaa hore uga soco somaliland guul iyo gobonimo ayaa u rajaynayaa.

Sidoo ale Eng Aadan Shiine ayaa shacabka somaliland  ku Amaanay sidii geesinimada lahayd ee ay uga dhiidhiyeen weedhihii kasoo yeedhay farmaajo iyo hargaysuu imanayaa.

Dhanka kale Eng Aadan Shiine oo   ahaa Gudoomiyihii ugu furfurnaa ee soomara degmada tog wajaale islamarkaana ku talaabsaday mudadiii uu xilka hayay waxqabad muuqda ayaa shacabka degmada tog wajaale ugu baaqay in ay ilaashadaan isku duubnidooda iyo wadajirka bulshada.

Reer Waaje Waxaan  leeyahay waxa Ilaahay inagu abuuray meel somaliland iyo geeskaba muhiim u ah si arimahaasi aynu u xaqiijino waa in aad ilaashataan magaalada iyo dhulka dawlada oo ah goobaha mustaqbalka laga hirgalin doono xarumo ganacsiga Oo magaalada umuhiim ah

Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo gobonimo.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Tog Wajaale Eng Aadan Shiine.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS