Dawlada Maraykanka Oo War Kasoo Saaray Wada Shaqaynta DF Somaliya Iyo Maamul Goboleedyada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo War Kasoo Saaray Wada Shaqaynta DF Somaliya Iyo Maamul Goboleedyada!
February 5, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Dawlada Mareykanka Ayaa war kasoo saartay Wada Shaqaynta dawlada fadaraalka Somaliya iyo maamul goboleedada xubnaha ka ah ee shanta ah iyadoo ku boorisay in dib u cusboonaysiiyaan wada shaqeyntooda iyo iskaashigooda .

Qoraalkan kasoo baxay xafiiska safaarada mareykanku ku leedahay muqdisho ayaa muujinaya in Somaliland Soomaaliya aanay xiligan qeyb ka ahayn iyo weliba mareykanku waxaa uu ka aaminsan yahay jiritaanka Somaliland.

“United States has continued outreach efforts to the Federal Government and all the Presidents of the five Member States”

“Mareykanka wuxuu sii wadayaa dadaalkiisa wacyigalinta ee Dowladda Federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah “.

Puntland , Jubaland , Hirshabeele , Koonfur galbeed ,Galmudug.

Qoraal kasoo baxay dawlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu wadayo daadaallada ay kula hadlayaan dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

“Hanaan wada-hadal iyo isu-tanaasul oo dib loo soo nooleeyo waxa uu lagama maarmaan u yahay dhammaan dhinacyada si wax looga qabto caqabadaha amniga, wanaaga dadka Soomaaliyeed dartood. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay sare u qaaddo hadafyada iyo ujeedooyinka aan wadaagno,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay ka go’an tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka taageero dadaallada ay ku dhisanayaan hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeynaya baahidooda.

“Waxaan garowsanahay in Soomaaliya ay mareyso marxalad adag oo qeyb ka ah safarkeeda ku wajahan dimoqraadiyadda. Ayada oo hanaankii doorashooyin ee dhowaanahan aysan wada noqon kuwa wada saxan, haddana waxaan dhammaan Soomaalida ugu baaqeynaa inay diiradda saaraan dib u heshiisiin.”

“Ayaga oo dib u xaqiijinaya dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, hogaamiyayaasha Soomaalida waxay ka dhabeyn doonaan ballan-qaadyadooda ah inay sare u qaadaan siyaasad loo dhan yahay, islamarkaana raadiyaan nabad-gayo, xasilooni iyo degenaan muddo fog oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, baarlamanka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan aas-aasidda amniga, si loo xaqiijiyo doorashooyin la isku haleyn karo oo dhaca 2020/21.

Dowladda Mareykanka waxay tiri, inay muhiim tahay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay u wada-xaajoodaan si daacad ah, iskana caabiyaan hamiga ay ku noqon karaan qas-wadayaal, kana fogaadaan wax kasta oo waxyeeleyn kara hanaanka siyaasadeed.

Qoraalka uu soo saaray Maraykanku Ayaa Udhignaa Sidan;

COMMENTS
LINKS