|
|||||
WAJAALE NEWS
Aqoonyahano Iyo Wax-garad Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Dalka Warqad Furana Kula Dardaarmay Madaxweyne Muuse Biixi + Magacyadooda
February 1, 2020 - Written by Wariye:Hargaysa(WJN):-Xubno aqoonyahano iyo abwaano ah ayaa baaq kasoo saaray xaalada dalka iyagoo taloooyin wax ku ool ahna usoo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Baaqa iyo talooyinkaas oo ay aqoonyahanku kusoo gudbiyeen warqad furan. Aqoonyahankan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada isla markaana ka madax banaan xisbiyada siyaasada ayaa si wayn u saafay duruufaha dalku waajahay labada sano ee uu xilka hayo madaxweyne Biixi. Aqoonyahankani waxay si mug leh u dul mareen xaalada dalka ee dhinaca dawladnimada, wadajirka umadda, doorashooyinka iyo siyaasada arrimaha dibadda. Waxay aqoonyahankani talooyin qiimo badan oo wax wayn ka taraya dawladnimada iyo horumarka Somaliland usoo gudbiyeen Madaxweynaha. Lama garan karo in madaxweynuhu talooyinkan qaadan doono iyo sida uu uga jawaab celin doono.
Mudane Madaxweye, Annaga oo ah muwaadiniinta hoos magacyadoodu ku qoranyihiin. Salaan iyo duco in Alle ku waafajiyo oo kuu fududeeyo gudashada xilka ummaddu kuu igmatay ka dib, waxa aannu is tusnay in sida xaquuqdayada muwaaddinnimo dhawristeedu kuu saran tahay, aad annagana waajib noogu leedahay in wixii talo aannu bidno kuu soo gudbino, taas oo ah waajib qaran iyo damiir wadaninimo oo na saaran. Mudane Madaxweyne, doorashadii u dambaysay, waxa aad ku guulaysatay aqlabiyad aanay hore u helin hoggaamiyeyaashii kaa horreeyey. Guushaa taariikhiga ahi waxa ay muujinaysaa sida ay ummadda badankeedu u arkaysay in aad tahay musharraxa ugu habboonaa ee marxaladda taagan ee dalkeenna kala dabbaalan lahaa duruufaha qallafsan ee siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee ina hor yaallay. Waxa run ah in bilawgii mudda-xileedkaaga aad ku tallaabsatay isbedello togan oo dhinacyo door ah taabtay oo ummadduna kugu hambalyeeyeen, rejo iyo yididiilo wacanna ku abuurtay. Waxase jira, mudane Madaxweyne, marka la eego dhacdooyinka dhawaanahan soo noqnoqonaya iyo guud ahaan xaaladda dalku ku sugan yahay gudo iyo dibadba, in walaac badan aannu ka qabno in fursado dahabi ah oo aad haysatay ay farahaaga ka sii baxayaan, dalkuna gelayo xaalad adag oo aan dhammaadkeeduna saadaal qurux badan lahayn. Belo-sheegnimo ma aha ee waa baraarujin iyo ka-dardaarwerin wax aan habboonayn inoona qalmin oo inagu dhici kara! Mudane Madaxweyne, waxa si gaar ah noo murug gelinaysa in danyartii tirada badayd ee aad u ballan qaadday in doorashadaadu ay noloshooda wax ka beddeli doonto, aanay ilaa maanta culays ku kordhay mooyee, wax la taaban karo ka hayn madaxweynamidaada oo hadda laba sanno wax dheeryihiin. Horumar muuqdaa kuma kordhin adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, caddaaladda iwm. Qorshahii wax aad uga badali lahaydna kaama muuqdo. Waxaa oo qarankeenu markii u horaysay mudo labo sano ah ku muransan yahay, guddi doorasho, oo lagaga mashquulay arrimo masiiri ah, sababtayna in markii lixaad loo kordhiyay golayaashii markii la doortay ilmihii dhashay maanta uu gaashaanqaad yahay. Taas oo u muuqata in gabbal u dumay dimuqraadiyaddii aynu ku naalloon jirnay, dhaawac muuqda gaadhsiisay xidhiidhkii aynu la lahayn saaxiibbo badan oo u heellanaa taageerada qaddiyadda dalka iyo dadka reer Somaliland. Waxa werwerkeeda leh in uu midnimadii iyo isku duubnidiidii shacabka reer Somaliland sii wiiqmayso, bulshadeenniina aad u kala qaybsan tahay. Marka haddaba xaal sidaa yahay, annaga oo dareensan duruufaha adag ee aad xilka kula wareegtay; aafooyinka dabiiciga ah ee inagu habsaday, hirdanka siyaasiga ah ee dawladda Xamar iyo aqoonsi-la’aanta dawladdeenna. Mudane Madaxweyne, annagoo ujeedkayagu yahay samadoon iyo taageero, waxa waajibka waddaninimo iyo ka Islaamnimo, labaduba na farayaan in xaqa aad nagu leedahay aannaan dayicin ee wixii talo nala gudboon oo aannu ku soo koobnay qodobbadan soo socda, kuu soo gudbinno:
Mudane Madaxwayne, waxa muuqata in intii Somaliland jirtayba aanay yeelan mashruuc qaran oo ku salaysan horumarin iyo dhismaha dadka. Waxa aannu kugula talinaynaa in si dhakhso ah aad usoo bandhigto mashruuc horumarineed oo cinwaan u noqda marxaladda lagu jiro, muwaaddiniintuna ay hareeraha ka galaan. Soo jeedintayadu waxay tahay in mashruucaasi noqdo mid waxbarashada ama caafimaadka ku qotoma, hirgelintiisuna wax ka beddesho nolosha danyarta, shaqana abuura.
Sugidda xuquuqda muwaadinka iyo xorriyadda ra’yiga: Mudane Madaxweyne, sida ay xustay warbixinta xuuquuqal insaanku, waxaa halkii ugu saraysay gaadhay intii Somaliland jirtay xadhigyada siyaasiga iyo ka la xidhiidha xoriyada rayiga oo ah xuquuq muwaaddiniinta dastuurku siiyay. Runtii dad badani kaa ma filayn in adiga oo ka dagaalamay caddaaladdarro iyo dulmi, in dawladdaadu noqoto tii ugu xidhiga iyo xadgudub badnayn Somaliland, marka la eego xukuumadihii soo maray. Haddaba Madaxweyne, waxaannu kugu la talinaynaa inaad muwaaddiniinta fekerkooda u xidhan sii dayso oo aan laga xayirin xorriyadda inta dastuurku u oggol yahay.
Ladagaalanka Musuqmaasuqa: Mudane Madaxweyne, sidaad og tahay haynta dawladdu ma buurna, waxaa intii dambe jirtay musuqmaasuq baahsan oo saameeyay meelo badan. In kasta oo xukuumaddaadu qaadday tallaabooyin u ekaa in musuqa wax laga qabanayo oo ay jireen masuuliyiin xilalkoodii ku waayay baadhistii lagu sameeyay xafiisyadii ay hogaaminayeen, haddana weli may dhicin in masuul hanti-lunsi sameeyay maxkamad lagu soo taagay oo xukun lagu qaaday. Waxaannu kaa codsanaynaa in aad ku dhiirrato in si dhab ah wax looga qabto boobka hantida iyo xatooyada xoolaha ummadda.
Ugu dambeyn, mudane Madaxweyne, waxa aannu ku niyadsan nahay in aad tixgalin siin doonto talooyinkan iyo kuwa kale ee badan ee bulshadu kuu soo jeedinayso. Haba yaraatee, ma aha dhaliil, waa se muwaaddiniin dalkooda iyo hoggaanka ummaddooda lexejeclo ka qabaa talo ay soo jeedinayeen. Allaa Mahad Leh Liiska Dadka Saxeexay:
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|