|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-shabaab oo Lagala Wareegay Adhi Gaadhaya 400 Neef
February 23, 2020 - Written by Editor:Maxaas (WJN) – Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay kooxda Al-shabaab kala wareegeen Xoolo gaadhaya 400 neef, kuwaasi oo dhamaantood Adhi ah. Hawl-galkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidammadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta Dawladda Soomaaliya baahisay Axadda Maanta. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo Warbaahintu sheegtay in Al-shabaab mararka qaar ay joogsadaan isla-markaana Dadka shacabka ah ee isticmaala ay Xoolo kaga qaadaan. Intii Hawl-galkani socday, waxa Saraakiisha Ciidammada Dawladda Soomaaliya sheegeen in Kooxda Al-shabaab laga qabsaday illaa 400 (Afar boqol) neef oo adhi ah, waxayna Ciidammadu sheegeen in Xoolahaa dib loogu celiyey Dad ay tilmaameen in Al-shabaab hore uga qaadday. Al-shabaab kama hadal arrintan, mana jirto Cid Madax-bannaan oo Caddayn karta Sheegashada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Related posts:DAAWO;-Siyaasi Rashiid J. Dhari Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inta Aanay Xidhin Masaajidada In Ay Joojiso ... Ciidanka Booliiska Oo Toogtay Wiil Dhalinyaro ah Oo Maxbuus ahaa Iyo Badhasaabka Maroodi jeex oo ka ... Wasiir Samaale Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Xishood La’aan Ku Tagay Degmada Tog-Wajaale Iyagoo Kormee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|