|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-shabaab oo Lagala Wareegay Adhi Gaadhaya 400 Neef
February 23, 2020 - Written by Editor:Maxaas (WJN) – Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay kooxda Al-shabaab kala wareegeen Xoolo gaadhaya 400 neef, kuwaasi oo dhamaantood Adhi ah. Hawl-galkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidammadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta Dawladda Soomaaliya baahisay Axadda Maanta. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo Warbaahintu sheegtay in Al-shabaab mararka qaar ay joogsadaan isla-markaana Dadka shacabka ah ee isticmaala ay Xoolo kaga qaadaan. Intii Hawl-galkani socday, waxa Saraakiisha Ciidammada Dawladda Soomaaliya sheegeen in Kooxda Al-shabaab laga qabsaday illaa 400 (Afar boqol) neef oo adhi ah, waxayna Ciidammadu sheegeen in Xoolahaa dib loogu celiyey Dad ay tilmaameen in Al-shabaab hore uga qaadday. Al-shabaab kama hadal arrintan, mana jirto Cid Madax-bannaan oo Caddayn karta Sheegashada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Related posts:Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Madaxda DDSI Ku Hambalyeeyay Magacaabista Gobolada, Degmo... DAAWO.Calaamada Meel Ku Taala Ee Uu Xisbi Leeyahay In Laga Hinaaso Waa Ceeb Ay Uu Badheedheen Xisbig... DAAWO;Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Dalka Ka Dhoofay Iyo Ujeedada S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|