|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaa Hubaal Ah In Caalamku Ina Aqoonsanayo, Wakhtiga Ay Doontaba Ha Noqotee”Suldaan Xasan
January 4, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan qaranimadooda. Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Muddo ku dhaw 30 sanno, ayeynu ahayn Dal madax banaan, hubaal ahaana duruufo badan oo aad u adag oo waayahooda leh ayaa ina soo maray, oo aynu ka soo gudubnay, maantana halkaynu marayno waxaa xaqiiqo ah in aanay gaadhin Wadamo badan oo aqoonsi buuxa haysta,markaas haddii aynu hore Somaliya iskugu darsanay, oo aynu dal ku midawnay, haddana weynu kala madax banaanahay, cid Somaliya inagu qasbi karta ma jirto, jiritaanka dalkeenuna waa muqadas, maxaa yeelay dadkeena ayaa boqolkiiba todoba iyo sagaashan u coddeeyey in aanay mar dambe dib ula midawbin Somaliya, sida aynu ka war haynana Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada ugu balaadhan Adduunka, ayaa isagoo xor ah ka baxay Yurub, oo dadkiisa ayaa u coddeeyey”. Mar uu ka hadlaayey Aqoonsiga Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Somaliya inaga ayaa ka hor qaadanay xoriyada, oo in mar horeba la ina aqoonsado oo Caalamku ina aqoonsadaan ayaa loo baahnaa, mar haddii aynu buuxinay wax walba oo looga baahan yahay Dal iyo Dawlad, laakiin waxaa hubaal ah in caalamku ina aqoonsanayo, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadate”
Related posts:Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Soo xidhay Tartankii Kubada Cagta bisha Ramadaan ee garoonka Ha... Daawo:Sida Saxda ah Ee Salaada Loo Tukado Salaada Si Aad U Fahanto Khalaadaad Badan Oo La Galo Xilig... Ilmo Yar Oo Waraabe Ku Cunay Magaalada Hargaysa Oo Xaaladeeda Caafimaad Lagula Tacaalayo Cisbitaalka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|