|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Kulamo La Yeeshay Xisbiyada Mucaaridka ah Iyo Ururada Bulshada Jsl.
January 9, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wakiilada qaramada midoobay uqaabilsan somaliland iyo somaliya oo socdaal ku jooga caasimada Hargaysa ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay xisbiyada mucaaridka qaarkood iyo dalada ay ku midoobeen ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf. Kulama u wakiil james la yeeshay masuuliyiinta xisbiga wadani iyo dalada sonsaf ayaa daarnaa sidii looga wada shaqayn lahaa qabsoomida doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka Somaliland. Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Afhayeenka Xisbiga Mudane Barkhad Jaamac iyo Xoghayaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdilqaadir Iidle ayaa galabta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador James Swan iyo wafti uu hoggaaminayo.
Madaxda Xisbiga WADDANI iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo la xidhiidha geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya sidii dib loogu bilaabi lahaa, iyo sida oo kale waxa ay isla gorfeeyeen sidii loo ambaqaadi lahaa dedaalada loogu jiro in dalka ay ka qabsoonto doorashada wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee sannadkan 2020-ka. Dhankale Wakiilada qaramada midoobayuqaabilsan somaliya ayaa kulan dalada ay ku bahoobeed ururada aan dawliga ah iyo xubno kale oo kamid ah saxaafada iyo bulshada rayidka ah. Qaramada midoobay iyo wadamada beesha caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa mudooyinkii udanbeeyay ku hawlahaa dhex dhexaadinta xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka oo muran dhinaca komishanka ahi mudo udhaxeeyay iyaga oo ku dadaalayay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Somaliland 2020 iyo sidoo kale sidii loo anba qaadi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo somaliya. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|