|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Markii ugu Horeysay Laga Furay Shirkad Daawooyinka Ka Keenaysa Dalka Ingiriiska.
January 15, 2020 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Waxaa Magaalada hargeisa laga daahfuray Shirkada West London oo Daawooyin Tayadoodu aad u sarayso dalka keenaysa, Shirkadan Oo Ay leeyihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah, Waxaa Ka warbixiyey maamulaha guud ee Shirkada West London Shirkadooda iyo Wakhtiga ay ka shaqeynayeen Gudaha Dalka Ingiriiska halkaas oo ay ku taalo Xarunta ugu weyn ee Shirkadan Daawooyinka West london.
Masuuliyiinta Shirkadan Daawooyinka ee West London Ayaa Sheegay In Dhamaan Daawooyinka ay Bulshada u keenayaan yihiin kuwo Kasoo baxay Dalka Ingiriiska Tayo ahaana ugu wanaagsan daawooyinka dunida.
Waxaana Xarunta Shirkadan West London Laga Furay Badhtamaha Suuqa Hargeisa gaar ahaan Suuqa Daawooyinka lagu iibiyo ee Ilma Faarax Joome agagaarkiisa.
Halkan Hoose Ka Daawo Furitaanka Shirkadan West London. Related posts:Khilaaf Culus Oo La Sheegay In Uu Ka Dhex Qarxay Madaxwayne Biixi Iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Sa... Nuxurka War Qoraal ah oo Midowga Yurub kaga Hadlay Warbixin UNSOM ka Diyaarisay Xaallada Warbaahinta... “Ninkani Wasiirul Khaarajiyaha Ah Ee Sidii Dhidar Danab Ku Kacay, Halkii Foodiisu Ay Qabato Uun Iska... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|