|
|||||
WAJAALE NEWS
Prof Ibrahim Meecaad Oo Si Adag Uga Hadlay Duulaanka Ay Somaliland Ku Hayaan Ismaaciil Gumar Geele Iyo Farmaajo.
January 24, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)- Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid Aqoonyahan Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Dalka Canada Ayaa farta ku fiiqay Duulaanka ay Somaliland ku yihiin Madaxwaynaha Jabuuti iyo Madaxwayne farmaajaja Muqdisho. Sidoo kale Prof Ibraahim ayaa cadaawada Jabuuti iyo Muqdisho Ee Somaliland ku sifeeyay mid daba Socoto ficiladii ay hore shacabka Somaliland ugu xasuuqay Taliskii Siyaad Bare oo adeer u ah farmaajo Iyo Doorkii Madaxwaynihii Hore ee Jabuuti Xasan Guuleed oo Isna Adeer u ah madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Isagoo sheegay in duulaanka ay wakhtigan wadaan uu yahay Janarayshankii Labaad ee Muqdisho Iyo Jabuuti Oo Mar kale Ku Midaysan sidii ay cadaawada ay kusoo qaadan Somaliland. Dhanka kale Prof Ibraahim Meecaad ayaa shacabka Iyo xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay ka baxaan Waxyaabaha yar Yar ee dhexdooda una midoobaan sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa duulaanka jabuuti iyo muqisho oo wakhtigan keentay in Uu Warbaahinta ka hadlo Cabdiraxmaan Guulwade oo kamid xubnihii fuliyay xasuuqii shacabka reer Somaliland loo gaystay. Halkan Hoose Ka Dhegayso Codka Prof Meecaad Oo Arrimahaasi Sharaxaya. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|