Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Ciraaq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Ciraaq
January 4, 2020 - Written by Editor:

Baqdaad, (W,N) – Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa ku booriday dhammaan muwaadiniinteeda inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan dalka Ciraaq.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Maraykanku duqeyn dhinaca cirka ah uu ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Ciraaq iyo gobolkaasi awgeed waxa ay Safaaradda Maraykanka ay usoo jeedisay muwaadiniinta Maraykanka inay si degdeg uga baxaan dalka Ciraaq.

“Muwaadiniinta Maraykanka waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan duulimaad uga baxaan Iraq, haddii ay suurto gali weydana waa inay maraan safar dhulka ah oo ay ku tagayaan wadamada kale ” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay safaaarada Maraykanka ee baqdaad.

Iran ayaa wacad ku martay inay qaadidoonto tilaabooyin loogu aargudayo dilkii saraakiisheeda looga dilay gudaha Iraq, waxaana Maraykanku haatan galay feejigaan culus.

Dhanka kale wararkii udanbeeyay ee laga helayo dalka iiraan ayaa sheegaya in ay weeraro duqaymo ah ku qaaday saldhig ciidamada maraykanku ku leeyahay ciraaq iyo sidoo kale safaarada maraykanka ee magaalaa baqdaad

WAJAALENEWS DES

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS