Madaxweyne Kuxigeenka Jsl Oo Maamulka Degmada Saylac Ku Bogaadiyay Sida Ay Uga Dheereeyeen Degmooyinkii Tobanka Sano Ku jirey Mashruuca Gplg. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Kuxigeenka Jsl Oo Maamulka Degmada Saylac Ku Bogaadiyay Sida Ay Uga Dheereeyeen Degmooyinkii Tobanka Sano Ku jirey Mashruuca Gplg.
January 3, 2020 - Written by Editor:

Saylac(W,N)-Madaxweyne-Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), oo Dhamaadka Sanadkii Taggey ee 2019ka Kormeer Guud oo Socdaal ah Kusoo Marey Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, u kuur galidda Fulinta Mashaariicda Waxqabad ee GPLG Adeegyadda Aasaasiga u ah Bulshada taas oo Qeyb ka ah Maamul Daadajinta Xukuumadda Dhexe ee Dabagalka iyo Xog-ogaal unoqoshada Sidii loo Fuliyay Mashruuca oo Madaxweyne-kuxigeenku uga Masuul yahey Guud ahaanba Xukuumadda.

Degmada Saylac ee Kamid ah Degmooyinka Qadiimka ah dhinacyada Taariikhda, iyo Sumada Raadraaca aataarta Ku Duugan Islamarkaana ah Degmadii iyo Bogcaddii uu ka bilaabey Waxbarashada Cabdiraxmaan-Saylici(Madaxweyne-kuxigeenka), Somaliland oo uu kula baxey Magaca ‘Saylici’ ayaa aheyd Degmadii u Dambeysay, ee khatinka u aheyd Kormeerka gabagabada Mashaariicda ka Fuley GPLG oo Wakhtiyadan Dambe ugu Shilis Waxyaabaha Shacabku ka markhaati yihiin Degmooyinka Dhab ahaan laga Fuliyay kutagalkiisa, lana Wada Gaadhsiiyay dhamaan Deegaanada hoosyimaada Degmada.

Maamulka Degmadaasi ee Xiligan iyo Kuwii ka horeeyay, iyo Sida ay uga Dadaaleen, hirgalinta Qeybo badan oo Kamid ah Mashruucan, islamarkaana, Degmada Saylac ee Xeebta Galbeed, uga dhex muuqato Mashruucan, ayuu Madaxweyne-Kuxigeenku dhinacooda ku Bogaadiyay Maamulka Degmada isagoo arintaa ka hadlayana Waxa uu yidhi.

“Degmada Saylac Waxa ay Maanta ka Muuqataa Degmooyinkii Mashruucan kusoo Jirrey Sideeda Sano iyo Tobanka Sanno  Taasina Waxey ku timid Daacadnimada ay muujiyeen oo ay ku dhaqmeen Nidaamkii Daahfurnaanta aheyd ee ay uga hawlgaleen iyadoo Bilawga Mashruucani Si Fiican uu Seeska ugu Dhigay Maamulkii Idinka ka horeeyay Waxaan idinku Bogaadinayaa Sida aad idinkuna halkii uga ambaqaadeen, ee aad u Fuliseen Waxyaabo badan oo Maanta ka Muuqda Dhinacyada Adeega Bulshada Sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyababa, Aqalku Seeska ayuu Ka dhismaa haddaan Seeska loo dhigin Wuu.Qaloocanayaa” Ayuu.yidhi.

Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa Madaxweyne-kuxigeenku in Mashruucani Bilowga ka Dhiso Maamulada Degmooyinka dhinaca Aqoonta Sida loo Qeybinayo, Sida Loo Maamulayo  Sida loo hagaajinayo, iyo Mujtamaca loogu Shaqeynayo, taas oo ku Tilmaamey in Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Saylac ay kaga Aqoon bateen labadii Sanno ee u horeeyay Degmooyinkii Mashruuca Kusoo jirey Tobanka Sano iyo Sideedda Sanadood oo ay ugaadhsiiyeen Bulshadii.

Qorshaha Mashruuca GPLG ee Madaxweyne-kuxigeenku gadhwadeenka ka yahey, ee Sanadkan Cusub ee 2020ka ayaa lagu Waddaa in Degmooyinka dedaalka Muujiyay Sida Degmada Saylac loogu kordhiy Qeybo kamid ah adeegyadii Sidoo kalena loo Bilaabi doono Degmooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Caynabo.

WAJAALENEWS DESK

WARIYE CABDIRAXMAAN NUUX

COMMENTS
LINKS