Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Ka Qeyb-galay Aaska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Casood Oo Ka Mid Ahaa Golaha Wakiilada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Ka Qeyb-galay Aaska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Casood Oo Ka Mid Ahaa Golaha Wakiilada!
January 23, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ,xildhibaanada golaha wakiilada iyo wasiiro  ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi kaahin Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo ku geeriyooday magaalada hargaysa maantana lagu aasay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa guud ahaanba qaranka Somaliland gaar ahaana Qoyskii qaraabadii ehelkii iyo Golihii wakiilada ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyey geerida Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo qaranka xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu laba jeer soo noqday Xildhibaan sidoo kalena soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, waxaana uu xusay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo tacab badan soo geliyey qaranka.

Alle haw naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa waxaana Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Aaska, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Wakiilada iyo guurtida.

Alle ha unaxariistee Marxuum xildhibaan Axmed cabdi kaahin (Casood) xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Somaliland isagoo noqday wasiirka wasaaradaha Dib udajinta iyo Ciyaaraha ee xukuumadii Axmed siilaanyo .

 

 

 

COMMENTS
LINKS