|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
January 22, 2020 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland. Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada Geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa. Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Dufcadii 11-Aad Ee Ka Bogsada Xanuunnada Dhimirka Oo Ka Qalin-Jebiyey Xirfado Lagu Baray Xarunta SAH... Madaxwaynaha JSL oo Kahdlaya Dareenkiisa ku Waajahan Socdaalka Dawlada Deeganka Somali daawo vedeo Dhacdo Naxdin Leh Wiil ka Xanuunsanaya Xaga Dhimirka Oo Dab Uu Qabad Siiyay Guri Uu Sobobay Dhima... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|