|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Axmed Kayse Oo Ku Geeriyooday Dalka Maraykanka.
January 8, 2020 - Written by Editor:TACSI;MADAXWAYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmedkeyse) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/01/2020, dalka Maraykanka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgankii xornimo doonka iyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda uga qaadan lahayd maxmiyadii boqortooda Ingiriiska 1960-kii, isagoo ka noolaa afartii qof ee ku wehelinaayey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Shantii Bishii May, sannadkii 1960-kii saxeexii ay Somaliland xornimadeeda kaga qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June, raggaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Maxamuud Cabdi Carraale iyo Axmedkeyse Ducaale,sidoo kale waxa uu ka mid noqday afartii wasiir ee ay yeelatay Somaliland markii ay xornimada la soo noqotay, waxaanu marxuumku kaalin mugweyn ku lahaa taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Kulan Deg Deg ah Isugu Yeedhay Haayadaha Caalamiga ah E... DAAWO;-Gudida Heer Qaran Ee Ka Hortaga Coronavirus Oo Kulan La Qaaday Ganacsada Qaadka Jsl Iyo Go,... Madaxwaynaha DDSI Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Dhismaha Dekeda Cusub Ee Berbera Iyo Muhiimada Ay Ulee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|